Qiso gaaban gabar WhatsApp guriga ka dumiyay

A short story in whatsapp problems in marriage

Qiso gaaban gabar WhatsApp guriga ka dumiyay

Nin ayaa xaas lahaa aadna wuu u jeclaa xaaskiisa, ninkii wuu ka maqnaa gurigiisa, gobol kale ayuu shaqo u joogay, ninkii mar kaste ayuu xaaskiisa kula sheekaysan jiray Whatsapka, habeen asoo la sheekaysanayo ayuu ku yiri hurdo ayaa i hayso caawa waan daalanahay mar kale ha noo ahaato, iyaduna waxay ku tiri anigaba hurdo ayaa i hayso waan iska seexanayaa.
Ninkii sariirta ayuu tagay hurdo ayuu waayay mar kale ayuu soo qabsaday taleefankiisa,  markuu furay whats-app wuxuu arkay xaaskiisa oo wali online ah.

Qiso gaaban gabar WhatsApp guriga ka dumiyay
Qiso gaaban gabar WhatsApp guriga ka dumiyay

Wuxuu u qoray xaaskiisa: aniga waan hurdi waayay adigana hurdada miyaa kaa tagtay.
si qalad ah ayay massage ugu soo qortay iyadoo leh: gacaliye barri ayaan kula kulmayaa, ninkeedii wuu yaabay wuxuu ku yiri: maxaa ka waddaa barri ayaan kulmaynaa? isla markii hadalkeedi ayay baddashay waxay ku tiri waxaan ka wadaa mustaqbalka guud ahaan, ninkeeda wuu ka shakiyay.

Wuxuu bilaabay inuu ka fikiro maxay ka wadday xaaskaaga barri ayaan kulmaynaa, ma nin kale ayay la sheekaysanaysay?!
maalmo kaddib xaaskiisa ayaa usoo dirtay massage iyadoo leh: aniga lama deganaan karo hooyadaada dagaalkeena ayaa batay ee waxaan rabaa guri gaar ah inaan dego.
ninkii wuxuu usoo diray lacag guri gaar u ah ay ku kiraysato, way ka guurtay guriga hooyadiisa, waxay degtay guri gaar u ah.
kaddib waxaa la soo xiriirtay ninka hooyadiisa oo leh: xaaskaaga aad ayay u baxdaa bannaanka, wayna wareeg badan tahay, wuxuu ku yiri hooyadiisa: hooyo xaaskayga waa haweeney dhowrasan oo fiican ee iska daa shakiga iyo tuhunka.

Ninkii wuxuu usoo noqday guriga xaaskiisa, taleefankeeda ayaa massejyo badan kusoo dhacay intuu soo qabtay ayuu eegay: wuxuu arkay qof dhahayo: ku aaway gacaliso maalmahan kuma arkee halkeed gashay? aniga habeen kaste waxaan kugu sugayaa xeebta.
Ninka ayaa kala xiriiray taleefanka xaaskiisa nambarka laga soo diray massajyada waxaa ka qabtay nin kale wuxuu ku yiri: ku aaway gacaliso halkeed gashay?  asoo moodaya naagta, ninkii wuxuu ogaaday xaaskiisa inay saaxib lahayd, wuxuu baaray taleefankeeda wuxuu ka arkay waxyaalo badan oo laga naxo.
wuxuu ogaaday xaaskiisa inay gogoldhaaf sameyso oo ay tahay naag dhilo ah oo xun.

isla markii wuxuu u celiyay taleefankeeda booskii uu kasoo qaaday iyadoon ogaanin, maalinta kale waxaa lasoo hadlay qof ay isla shaqeeyaan asoo leh: dhaqso usoo laabo shaqada ayaa lagaaga baahan yahay.

Maalinta seddexaad wuxuu la hadlay saaxiibkiisa cishaha kaddib, wuxuu u sheegay inuu soo baxayo, xaaskiisa ayuu ku yiri aniga shaqada ayaa layga baahan yahay marka waan baxayaa naagtiisa ayaa ooysay iyadoo leh gacaliye maxaa iiga tagaysaa? ninkii ayaa qaatay boorsadiisa gaarigiisa ayuu fuulay.

Ninkii ma bixin maalintaas habeenkeeda wuxuu kiraystay hotel u dhow gurigiisa, qolka daaqaddiisa waxay ku aaddanayd albaabka gurigiisa bil ayuu hoteelkaas deganaa, wuxuu ilaalinayay xaaskiisa wuxuu arkay saaxiibkeeda oo mar kaste wadayo marna la imaanayo guriga.
Nika wuxuu ogaaday xaaskiisa sababka ay uga fogaanaysay hooyadiisa.
bil kaddib wuxuu tagay gurigiisa asoo iska dhigaya nin shaqo ku maqnaa.
markuu tagay gurigiisa wuxuu ka dalbaday xaaskiisa inay booqdaan aabbaheeda waayo wuu u xiisay inuu booqdo.
marka ay tageen guriga aabbaheeda wuxuu ku yiri gurigiina sii joog 7 maalmood kaddib ayaan kuusoo laabanayaa.

markuu kasoo tagay wuxuu u diray warqadda furiinka.
aabbaheeda ayaa aad u xanaaqay gabadhiisa ayuu weyddiiyay sababka loo furay waxay ku tiri: ma ogi.
aabbaheeda ayaa soo aaday ninka siduu u ogaado sababka keenay furiinka gabadhiisa, wuu diiday inuu sheego asoo u ceeb asturaya gabadhiisa, laakin odayga wuxuu ku adkaystay inuu ogaado sababka loo furay gabadhiisa.
ninkii wuu u sheegay sababka oo ah gabadhiisa inay la raaxaysan jirtay saaxibkeeda gogoldhaaf ay samayn jirtay oo uu ka hayo caddeemo.
odeygii ayaa aad uga naxay gabadhiisa falka ay ku kacday.
naagtii meesha ayuu ku dumay gurigeeda sumcaddeedana meesha ayay ku burburtay waxaana usii dheer dambiga ay ka gashay rabbigeeda.
waa ciribta gogoldhaafka dumarka.

sheeko cibro leh waa sheeko gaaban oo qofka uu ku cibraqaadan karo

Sida lagu garto xaaska qooqan

 

A man had a wife and he loved his wife very much, the man was away from his home, he was in another region for work, the man used to chat with his wife every time on WhatsApp, one night he said to her that she is sleepy tonight, I am tired again. stay with us, and she said that I am also sleepy, I am going to sleep. The man went to bed and lost sleep and again he grabbed his phone, when he opened whats-app he saw his wife still online. He wrote to his wife: I couldn’t sleep, did you wake up? She mistakenly wrote a massage saying: I will meet you tomorrow, my dear, her husband was surprised and said: What are you doing, we will meet tomorrow? As soon as she changed her words, she said what she was thinking about the future in general, her husband was suspicious. He started to think what is going on with your wife, we will meet tomorrow, is she chatting with another man?! a few days later, his wife sent him a massage saying: I can’t live with your mother, our fight is too much, I want a private house to live. The man sent her money to rent a private house, she moved out of her mother’s house, she settled in a private house. Then he was contacted by the man’s mother who said: Your wife goes out a lot, and she travels a lot. The man returned to his wife’s house, her phone received many messages and he picked it up and looked: he saw someone saying: where have you been my love these days? I wait for you on the beach every night. The man contacted his wife’s phone from the number sent from the mosque and another man said to her: Where are you, dear, where did you go? As the woman, the man found out that his wife had a boyfriend, he checked her phone and found many shocking things. He found out that his wife cheated and was a bad whore. As soon as he returned her phone to the place he took it from without realizing it, the other day a co-worker spoke to him and said: come back to work soon, you are needed. On the third day, he talked to his friend after work, he told him that he was going out, he told his wife that I need to work, when I was leaving, his wife cried, saying, “Darling, why are you leaving me?” The man took his bag and got into his car. The man did not go out that night, he rented a hotel near his house, his room window was facing the door of his house, he lived in that hotel for a month, he was looking after his wife, he saw her friend driving and sometimes coming home. Nika found out why his wife was staying away from his mother. A month later he went to his house pretending to be a man who was away at work. When he went home he asked his wife to visit her father because he missed him. when they went to her father’s house he said stay at home for 7 days and I will come back to you. When he left her, he sent her the divorce papers. Her father was very angry and asked his daughter the reason for the divorce, she said: I don’t know. Her father went to the man to find out the reason for his daughter’s divorce, he refused to tell who is hiding his daughter’s shame, but the old man insisted on knowing the reason for his daughter’s divorce. The man told the reason that his daughter used to have sex with her boyfriend and he has evidence. The old man was shocked by his daughter’s actions. The woman’s house was destroyed and her reputation was destroyed and the crime she committed against her Lord. It is the heel of the women’s wardrobe. A story that is funny is a short story that a person can be happy about

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More