Ninkayga baraha bulshada falalkan buu ku sameeyaa

Su’aasha:

Ninkayga wuxuu ku walan yahay baraha bulshada dumarka ayu kula shekeystaa bartaas, marka an ka reebo wuxuu igu yirahdaa adiga waxad tahay nag aan iso jidanin marka afar ayaa ii banaan iga daa dhibka, waxaan sameyo ayan garan la’ahay ninkan ma igu habon tahay inan lasii noolaado maxaad talo i sinaysan walalyaal mahadsanidin.

Ninkayga baraha bulshada falalkan buu ku sameeyaa
Ninkayga baraha bulshada falalkan buu ku sameeyaa

Jawaabta:

Marka aad aragto ninka oo naag kale raadinayo samankan aan joogno waxaad dareemaysaa dhib weyn inuu ka dhexeeyo isaga iyo xaaskiisa, ninkaaga qalad ayuu ku jiraa inuu dumarka sidaas kula sheekaysto haddii guur xalaal uu rabo oo uu u maro waddada saxa ah adiga waxaa kuu fiican inaad ogolaato haddii aad tahay qof aan u adkaysan karin noloshaas dee adigaa yaqaano maslaxaddaada laakin waxaan ku dhihi lahaa gurigaaga ilaalso, haddii uu qaladaad galayo ka wanaani oo runta u sheeg haddii uu naag kale guursan rabo gurigaaga ilaalso ha guursadee.

rag badan ayaa jira marka ay naagta shukaansanayaan aad  bay u xiiseeyaan marka ay aqalka usoo gasho tu kale raadiya, o hadlo macaan badan ku akhriya, waa raga mayiikda qaba oo dumarka marka ay rakaan dhareer kasoo daata.

Rag badan ayaa sidaas ubadkooda ku dayacay hadduu caqli leeyahay gurigiisa ayuu ilaalsan lahaa.

Naag labaad duruuf gaar baa loo guursadaa iska guurso kaliya ma aha.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More