Ninkay wuu iga weyn yahay sokorna wuu qabaa ima qanciyo

Su’aasha:

scw bahda daruur aad bad u mahadsan tihin howsha ad ino haysan waxan rabaa inaan idin la wadago arin waxan i qabo nin iga weyn 17 sano o kale wa nin ad u fican wa haysta dhib ah cudurka sokorta tas waxay kenaysa galmada inuu awodi wayo xubintisa si fican uma kacdo sadax diiqo ka badan ma qato waxan ahay aniga qof kacsi badan taas iguma fila waxan daawada aflaanta xunxun si an ugu raxayso wayo ima deqayo isaga wan ogay xaran inay tahay lakin waxan ka baqaya inaan nin kale ku dhaco waxan ka fikira inaan ninka ka tago on iska furo hadana wax is orana u sabar waswas iyo shaki ba igatagi la maaxan sameya walalayal ila talia idinko mahadsan.

Ninkay wuu iga weyn yahay sokorna wuu qabaa ima qanciyo
Ninkay wuu iga weyn yahay sokorna wuu qabaa ima qanciyo

Jawaabta:

Marka hore waxaad ka fogaataa filimada xunxun oo aad u malaynayso inaad ku raaxaysanayo kuwaas iyagoo dambi ah hadana waxay kuu fufudaynayaan inaad xumaan gasho, sidoo kale ninkaaga ayay ku nacsiinayaan, maxaayeelay damac weyn ayay ku galinayaan.

Waxaa xal kuu ah labo arrimood midkood:

1- inaad ku dadaasho ninkaaga oo aad siiso waxyaalaha raga kiciya siiba dadka sokorta qaba aan wax ka dhibin sida geedka Ginseng iyo saliid seytuun, waa wax dabiic ah oo nninka geedkiisa adkeeya,  iyo daawooyin laga helo farmashiyaha oo wax u taraya raga sokorta hayso.

2- inaad ninkaaga runta u sheegto oo aad ku dhahdo aniga ma sabri karo oo intaan gali lahaa xumaan nin kale xalaal ah ayaan iska raadsanayaa ee aan kala tagno, middan waxay habboon tahay haddii meesha caruur aan jirin, laakin haddii aad caruur haysataan  waxaa fiican inaadan dalaaq dalbanin oo aad qaadato xalka koowaad oona aad ku dadaasho inaad iska yarayso kacsiga inaad soonto oo aad iska ilaaliso cuntada kacsiga keenta ama badisa.

You might also like
2 Comments
  1. Ninkayga caanaha naaska ayuu iga cabbaa ma iga furmaa
    C.ladiif says

    Asc wll waxaan ahay 20 jir birta qaada yacni aalamiteeyo wll waxaan isku arkay gariir ama jareys yar oo marwalbo ah marka wll ilatali adoo mhdsn maxaan sameeyaa wll ?

    1. Ninkayga caanaha naaska ayuu iga cabbaa ma iga furmaa
      Daruur says

      ws halkan kusoo qor su’aashaada
      https://daruur.com//submit-question/

Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More