Ninka iyo xaaskiisa oo muuqaal galmo iska duubaya diinta waxa ay ka qabto

Su’aasha:

asc waxan rabaa inaad iga jaahil bixisaan ninka iyo xaaskiisa xiliga galmada haday isduban oo ay daawadaan mar kale ay ku raaxaystaan xalaal miyaa misa wa xaran diinta maxay ka qabtaa in ninka naagtisa uu duubo iyadoo sariirta saaran iyadoo qaawan si uu ugu raxaysto mar kale kaligisa dad kale lama tusinayo fadlan jawab ayan idinka raba idinkoo mahadsan.

Ninka iyo xaaskiisa oo muuqaal galmo iska duubaya diinta waxa ay ka qabto
Ninka iyo xaaskiisa oo muuqaal galmo iska duubaya diinta waxa ay ka qabto

Jawaabta:

Marka aan eegno ninka iyo naagta inay isku raaxaysan karaan oo wax kaste ay isku samayn karaan oo diinta ay baneeysay laakin inay is duubaan waa arrin aan la oggolayn maxaayeelay waxaa jira islaamka wax la dhaho  سد الذرائع  waa qaacido fiqi ah oo loo daliilsado in la reebo wixii xaaraan kugu ridi kara.
Marka ninka naagtiisa uu muuqaal galmo ama muuqaal qaawan uu ka duubo, aad bay u sahlan tahay inuu fakado ama dad kale gacanta ku dhigaan ama labadoodaba is dagaalaan oo iska faafiyaan marka laysku furo, sidoo kale raaxada aad sheegayso ninka inuu ka helaayo wax faa’ido ay leedahay ma jirto, maxaayeelay dhabta ayuu haystaa oo hortiisa taallo, muxuu ka rabaa muuqaal oo sawir ama video ah.
Culimada samankaan qaarka baneeyay waxay ka wadaan ninka naagtiisa xalaal maadaama ay u tahay hadduu duubto oo isaga uu ku ekaado muuqaalka uu ka duubay wax xaaraan ka dhigaya ma laha.
Hadalkan wuxuu khilaafsan yahay qaacidada fiqiga aan soo sheegnay sidoo kale musiibo weyn ayaa ka dhalanaysa, imisa nin naagahooda ka faafiyay muuqaal xun, samankan waxaa jirta halis kale oo ah, mobileka marka lagu duubo wuxuu ku xiran yahay meelo kale internetka ah marka dad kale ayuu aadi karaa, virus ayaa lagu talaali karaa taleefanka oo lagaga baxsan karo file kaste video ama sawir, dadka waxay u badan yihiin inaysan wax badan ka ogeyn tegnaloojiga marka halis badan ayaa jirta, sidaa awgeed ka fogaada inaad is duubtaan, haddii ninkaaga uu sidaas ka helo muraayad weyn horteeda ku sameeya galmada meesha haka daawado.

Waxaa kaloo jirta arrin muhim ah haddii taleefankaaga aad ka tirtirto waa lasoo celin karaa muuqaallada aad tirtirtay waxaa jira barnaamijyo soo celin kara wixii laga tirtirray taleefanka.

Waxaa jirta qiso ka dhacday wadamada carabta mid ka mid ah, nin ayaa naagtiisa ka duubi jiray galmada uu iyada la samaynayo wuxuu ku shubi jiray laabtoobkiisa, xaaskiisana way la ogeyd way wada daawan jireen, wax badan ayay ku shubeen laabtoobka, maalin maalmaha ka mid ah waxaa arkay wiil uu dhalay nin weyn ah isagoo mar aabbaha ku hilmaamay laabtoobka meel ka mid ah guriga wiilkii wuxuu arkay hooyadiisa iyo aabiiisa galmo samynaya, marka musiibo akhlaaqi ka weyn ma jirtaa nin hadduu arko hooyadiisa iyo aabihiisa oo qaawan oo galmo samaynaya!!

Waxaa jira xadiis saxiix ah oo reebay ninka iyo naagta inay ka sheekeeyaan waxa ka dhaco gogosha wuxuu yiri rasuulka (SCW):

(إنَّ مِن أشرِّ الناس عند الله منزلة يوم القيامة، الرجل يفضي إلى امرأته، وتفضي إليه، ثم ينشر سرَّها )  رواه مسلم .

(Dadka waxaa ugu shar badan darajo ahaan Alle agtiisa nin naagtiisa u tagay iyadana  ay u tagtay kaddib sirteeda faafinaya).

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More