Ninka goormuu madhallays noqdaa digniin raga ku socota

Su’aasha:

Hormoonka labka hadduu yaraado ninka biyihiisa ma saameyn karaa ma wuxuu keena madhalaysnimo.

Ninka goormuu madhallays noqdaa digniin raga ku socota
Ninka goormuu madhallays noqdaa digniin raga ku socota

Jawaabta:

Hormoonka labka oo lagu magacaabo Testosterone kaalin weyn ayuu ka qaataa raganimada iyo dhalitaanka, laakin qofka waa in meelo badan laga baaraa ee ma aha hal hormoon kaliya in la eegoو hormoonka Testosterone kaliya ma aha waxa qaabilsan dhalmada.

Guud ahaan ninka waa inuu ku dadaallaa cuntada uu cunayo sidoo kale waa inuu iska ilaaliyaa wixii dhib u keeni kara xubnaha taranka siiba gaar ahaan sinada maxaayeelay qofka marka uu sinaysanayo naag xalaal aan ahayn buu u tagayaa iyadoo xaaraan ay tahay oo uu Alle ku ibtilayn karo cudur haddana waxaa laga yaabaa naagta inay cudur xambaarsan tahay, waayo naagta sino ku dhiibtay bahalkeeda waa dhillo markay naagta dhillo tahay waa musqul qof kaste ayaa biyihiisa ku shuba.

Marka taas waxay keenaysaa inay xarun u noqoto jirrooyinka galmada laysaga qaado, raga qaar waxaa laga yaabaa jirrooyinka qaar inay u keenaan dhibaato lasoo gudboonaanysa biyaha shahwada ama biyaha manida.

Marka qofka waxaa laga rabaa inuu ku dadaalo wanaaggiisa iyo caafimaadkiisa iyo mustaqbalkiisa, raaxo wax yar ah ma aha inuu naftiisa meel xun ugu rido.

Waan la soconnaa raganimada inay tahay nimco weyn uu Alle siiyay ragga qaar Ilaahay wuxuu u sahlay inay dhalaan raga qaarna wuxuu ka dhigay madhalays rag wuxuu siiyay wiillal ragna gabdho, marka waa nimco weyn oo loo baahan yahay inaad ilaaliso.

Sidoo kale raga siigada ku khasaarinaya biyahooda hadday ogaan lahayeen qiimaha ay biyaha raganimada u leeyiiin ma daadin lahayn biyahaas.

Wuxuu yiri Alle asoo ka hadlaya nimcadaas:

(لِّلَّـهِ مُلْكُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ ۚ يَخْلُقُ مَا يَشَاءُ ۚ يَهَبُ لِمَن يَشَاءُ إِنَاثًا وَيَهَبُ لِمَن يَشَاءُ الذُّكُورَ * أَوْ يُزَوِّجُهُمْ ذُكْرَانًا وَإِنَاثًا ۖ وَيَجْعَلُ مَن يَشَاءُ عَقِيمًا ۚ إِنَّهُ عَلِيمٌ قَدِيرٌ)

(Eebaa iska leh xukunka Samooyinka iyo Dhulka, wuxuuna abuuraa wuxuu doono, wuxuu siiyaa cidduu doono gabdho, cidna wuxuu siiyaa Wiilal.
Ama wuu isku lamaaneeyaa Wiilal iyo Gabdho, ruuxuu doonana wuxuu ka yeelaa Mandhaleys Eebana wax og, karana) rd

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More