Nin ayaan lacag ka xaday sideen ugu celiyaa
Su’aasha:
Nin dukaan leh ayaan u shaqaynayaa waxaa dhacday in aan dhow jeer kala baxay maqalka lacag isagana ima oga mana i fahmi karo waayo lacagta anaa xisaabiyo marka dambi inaan galay ayaan dareemay waxaan ka baqayaa inaan u sheego lacag inaan kala baxay, haddaan u sheego waxaa dhacayso inaan ceeb kala kulmo sidoo kale inuu shaqada iga eryo maxaan sameeyaa ila taliya.

Jawaabta:
Falka aad ku kacday waa fal labo shay ay isugu jiraan xatooyo “tuuganimo” iyo khiyaano, waayo qof kugu aaminay hantidiisa ayaad khiyaantay falka kalena waa tuuganimo marka dambi ayaad gashay dambigaaga waxaa la xiriira labo xaq mid waa kan Alle waxaa lagaa rabaa inaad ka towbadkeento xaqqa kalena waa kan addoonka Alle oo ah ninka meesha kuu dhiibtay waa inaad u celisaa hantidiisa inta aad ka baxsatay meesha shardi ma aha inaad u sheegto maadaama ay ka imaan karaan dhibaatooyin kale marka xaqiisa u celi hana u noqonin falkaas.
Forex ayaan lacag gashan rabaa ma xaaraanbaa
The act you committed is a two-fold act that includes theft and deceit, because you have betrayed someone who entrusted you with his property, and the other act is theft. When you have committed a crime, your crime is related to two rights. One is that of Allah, and you are required to repent for it. The other is that of the servant of Allah, the man who entrusted it to you. You must return his property to him while you are away. It is not necessary to tell him, as other problems may arise. So return his right and do not repeat that act.
