Nafteyda ayaan liidaa qaraabadana waa nacay

Su’aasha:

Niyow nafteyda waxay igu shekeyneysa inan ahay qof liito Oo daaciif dadkana Ay Ka aminsanyihiin mid doqoon ah oo liita sababto miyiga Ayan kudashay hooyana WA ay dimatay anigo yar marka magalada Ayan imaday abo dadka wuxuu ugushekeya inan ahy mid qoolo mabadar ah oo dhadhaan ah oo waxbo laguu haleysan Karin hadana mid walakey ah Ayan ku iri shaqo isii kulaha Oo miyad shaqeysan karta mid hada aan lajoogo Oo walashay ah markan wax waydiyo waxay idhahdaa WA Mel heblayo Mel layirahdo adigu carada makala taqanidee waxaan dareemay inan aad iyaseyso hada qaraabada dhanba wanacay ruunti.

Nafteyda ayaan liidaa qaraabadana waa nacay
Nafteyda ayaan liidaa qaraabadana waa nacay

Jawaabta:

Ilmaha yar dhibka aad sheegayso wuxuu kasoo gaaraa waalidka, adiga saad sheegtay aabbahaaga ayaa sabab u ah, waxaa laga rabay inuu kaa ilaaliyo wixii niyadda kaa dilaya, dadka soomaaliyeed sidaas ayay u badan yihiin labada waalid ilmahooda ayay liidaan ma oga taas inay bulshada hallaynayso.

Marka waxaad ogaataa inaad noqon karto qof karti leh maadaama caqli aad yeelatay oo aad weynaatay ee ku dadaal wixii qiime kuu yeeli kara waxbarasho iyo shaqo gal, iska ilaali inaad aaminto waxa ay kaa sheegayaan qaraabada, teeda kale nacaybkooda wax uu kuu tarayo lama arko waxaad kaga adkaan kartaa inaad wax qabsato indhahooda ha ku arkaan inaad tahay nin shaqaysan karo qiimo leh, markaas ayay is badalayan oo waxaad arkaysaa iyagoo kaa dambeeya.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More