Site icon Daruur درور

Naagtayda arimahan ayay sameysaa ila taliya

Su’aasha:

Walaalayaal xaaskayga waxaan ku arkay inay rag kale la xiriirayso, taasna waxaan ku ogaaday markaan guriga ka maqanahay wax kale ayay ku mashquulsan tahay, whatsapp ayay aad u adeegsataa iyo facebook, maalin si kadis ayaan ku arkay talefankeeda, waxaan ku arkay hadalo aan fiicanayn oo niman usoo dirayaan marka talo ayaan idinka rabaa iyada xitaa ima oga inaan ogaaday laakin shakiga wuxuu igaga taagan yahay inay xumaan samyso iyo inay hadal caadi kula sheekaysato maxaan sameeyaa.

Naagtayda arimahan ayay sameysaa ila taliya
Naagtayda arimahan ayay sameysaa ila taliya

Jawaabta:

Marka waad ku mahadsan tahay webka Daruur.com xiriirka aad lasoo xiriirtay, marka labaad, waxaad iska ilaalinaysaa shakiga, waayo shakiga waxaa laga yaabaa inuu kugu xambaaro inaad tuhunto xaaskaaga iyadoo bari ah, teeda kale naagta inay rag kale la xiriirto iyadoo la sheekaysanayo ma aha wax diinta ay ogogoshay  marka ay tahay sheekada wax aan sharciga oggoleen oo aan ku dhisnayn arrin daruuri ah, laakin haddii sheekada iyo tahay labo qof saaxiib oo kale sheekaysanayo taas lama oggola way ku qaldan tahay xiriirka ay la xiriirayso raga, adigana waxaa lagaa rabaa inaad noqoto mid buuxin kara baahideeda waxaa laga yaabaa inaadan qiimaynin oo aadan la sheekaysanin, waayo dumarka  cunto kaliya guriga uma imaanin ee waa naag wax badan ayay kaaga baahan tahay, marka waxaa lagaa rabaa inaad noqoto mid baahideeda buuxin kara, waxaan kula talinayaa inaad si aayar ah ula sheekaysato adoo waaninaya oo u caqlicelinaya ugana digaya inay halis tahay naag la qabo oo nin kale la xiriirayso, waxaana lagaa rabaa si aayar inaad u furto hadalka, illeen waxaa laga yaabaa inay kugu soo booddo oo ay xanaaqdo, haddii ay arrintaas ka joogsan weyso taas naag kuuma noqon karto waayo kuma aamini kartid mustaqbalkaaga iyo kuwa caruurtaada. waxaaba laga yaabaa gogol dhaaf inay ku dhacdo marka ay sheekooyinkaas rag kale la gasho

Exit mobile version