Naagtayda arimahan ayay sameysaa ila taliya
Su’aasha:
Walaalayaal xaaskayga waxaan ku arkay inay rag kale la xiriirayso, taasna waxaan ku ogaaday markaan guriga ka maqanahay wax kale ayay ku mashquulsan tahay, whatsapp ayay aad u adeegsataa iyo facebook, maalin si kadis ayaan ku arkay talefankeeda, waxaan ku arkay hadalo aan fiicanayn oo niman usoo dirayaan marka talo ayaan idinka rabaa iyada xitaa ima oga inaan ogaaday laakin shakiga wuxuu igaga taagan yahay inay xumaan samyso iyo inay hadal caadi kula sheekaysato maxaan sameeyaa.

Jawaabta:
Marka waad ku mahadsan tahay webka Daruur.com xiriirka aad lasoo xiriirtay, marka labaad, waxaad iska ilaalinaysaa shakiga, waayo shakiga waxaa laga yaabaa inuu kugu xambaaro inaad tuhunto xaaskaaga iyadoo bari ah, teeda kale naagta inay rag kale la xiriirto iyadoo la sheekaysanayo ma aha wax diinta ay ogogoshay marka ay tahay sheekada wax aan sharciga oggoleen oo aan ku dhisnayn arrin daruuri ah, laakin haddii sheekada iyo tahay labo qof saaxiib oo kale sheekaysanayo taas lama oggola way ku qaldan tahay xiriirka ay la xiriirayso raga, adigana waxaa lagaa rabaa inaad noqoto mid buuxin kara baahideeda waxaa laga yaabaa inaadan qiimaynin oo aadan la sheekaysanin, waayo dumarka cunto kaliya guriga uma imaanin ee waa naag wax badan ayay kaaga baahan tahay, marka waxaa lagaa rabaa inaad noqoto mid baahideeda buuxin kara, waxaan kula talinayaa inaad si aayar ah ula sheekaysato adoo waaninaya oo u caqlicelinaya ugana digaya inay halis tahay naag la qabo oo nin kale la xiriirayso, waxaana lagaa rabaa si aayar inaad u furto hadalka, illeen waxaa laga yaabaa inay kugu soo booddo oo ay xanaaqdo, haddii ay arrintaas ka joogsan weyso taas naag kuuma noqon karto waayo kuma aamini kartid mustaqbalkaaga iyo kuwa caruurtaada. waxaaba laga yaabaa gogol dhaaf inay ku dhacdo marka ay sheekooyinkaas rag kale la gasho
Ninka xaaskiisu inay ku qanacsan tahay sidee buu ku ogaan karaa
So thank you for contacting Daruur.com. Secondly, you are avoiding suspicion, because suspicion may lead you to suspect your wife of being an adulterer. On the other hand, a woman’s contact with other men while chatting is not something that is allowed by religion when it is a conversation that is not permitted by law and is not based on a necessary matter. However, if the conversation is with two other friends, that is not allowed. It is wrong in her relationship with men. You are also expected to be able to fulfill her needs. You may not value her and not talk to her. Because women do not come to the house just for food. She is a woman who needs a lot from you. So you are expected to be able to fulfill her needs. I advise you to talk to her slowly, advising her, rationalizing her, and warning her that it is dangerous for a married woman to communicate with another man. You are expected to open the conversation slowly, because she may She jumps on you and gets angry, if she doesn’t stop doing that, she can’t be your wife because you can’t trust her with your future and that of your children. She might even fall into a trap when she starts talking to other men.
