Naagta meesha laga rabo inay dhaqdo xiliga istinjada

Naagta meesha laga rabo inay dhaqdo xiliga istinjada

Su’aasha:

scw walaal waxan rabaa inaad iga jawaabtaan su’aal aan ka qabo istinjada gabdhaha la xirirto gudaha farjiga iyo banaanka farjiga maxaa loola jeedaa marka culimada diinta ay sheegayan intee laga rabaa gabadha inay dhaqdo, teeda kale qoyaanka caadiga farjiga nijaaso miya.

Naagta meesha laga rabo inay dhaqdo xiliga istinjada
Naagta meesha laga rabo inay dhaqdo xiliga istinjada

Jawaabta:

Gabadha farjiga meesha ay ka dhaqayso waa meesha kasoo muuqanayso markay kadaloob u fariisato waxaa soo galaya labada faruur waaweyn iyo kuwa yaryar banaankooda, marka gabar bikro ay tahay intaas kaliya ayaana kasoo muuqata duleelka farjiga wax yar ayuu ka furan yahay inta badan oo xataa farta aan galin.
Haddii ay tahay naag furan aan bikro ahayn sidoo kale waxay dhaqaysaa inta soo muuqata markay ay kadaloobsato, gudaha inay dhaqdo ma aha, hadday sii raacraacdo waswaas ayay u keenaysaa arintaas waxaa laga yaabaa waliba gudaha inuu ku jiro dhacaan jiijiidmaya oo aan dhaqmaynin gacanta ku dhegdhegaya.
wuxuu yiri Sh Zakiya Alansaari oo ka mid ah fuqahada shaaficiyada:

 

(ويكفي المرأة) بكراً، أو ثيباً في استنجائها بالماء (غسل ما يظهر) منها (بجلوس على القدمين)

(naagta waxaa ku filan) bikro ama naag furan ha ahaatee markay biyo ku istinjoonayso (inay dhaqdo waxa ka muuqanaya ) (markay ku fariisato cagaheeda)

Qoyaanka fajiga haweenka nijaaso ma aha.

 

Waa maxay magaca qanjirka madyida soo daaya

You might also like
4 Comments
  1. Riyada nin wiil galmo ku sameynayo
    Ahmed says

    Intee su aalaha ku soo qoraa wll

    1. Riyada nin wiil galmo ku sameynayo
      Daruur says

      su’aalaha marka la furo soo qor meeshan ma aha

      1. Riyada nin wiil galmo ku sameynayo
        Ahmed says

        Goormee la furaa

        1. Riyada nin wiil galmo ku sameynayo
          Daruur says

          waxay ku xiran tahay su’aalaha intay la eg yihiin su’aalo badan ayaa sugaya jawaab

Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More