Mataga noocee soonka jabiya

Su’aasha:

Waxan rabaa inaad iga jawabtan su’ashan oo ah qofka sooman haduu matago ama is matajiyo soonkiisa ma jabayaa.

Mataga noocee soonka jabiya
Mataga noocee soonka jabiya

Jawaabta:

Qofka sooman haddii uu matag iska keeno si kas ah soonkiisa waa jabayaa, sida haduu farta dhuunta galiyo oo kale ama wax mantag keenaya uu ursado, waxaana laga rabaa inuu soo gudo maalintaas, laakin haddii uu mataga iskiisa u yimaado soonkiisa waa ansaxayaa ma jabayo ma soo gudayo maalintaas soonkeeda.
Taas waxaa daliil u ah xadiiska rasuulka (SCW).

Wuxuu yiri:

(مَن ذرعَهُ قَيءٌ وَهوَ صائمٌ، فلَيسَ علَيهِ قضاءٌ، وإن استَقاءَ فليقضِ)

(Qofkii uu ka xoogbadiyo matag asoo sooman wax qalo korkiisa ma aha, hadduuse is mantajiyo hasoo qaleeyo)

waxaa wariyay Abuu Daawuud

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More