Mar kastoo quraan akhris aan bilaabo waxaan soo xasuustaa gabadh aan aqaano

Su’aasha:

Asc Daruur.com, waxa jirta arrin aan aad ulayaabay arrintaasoo ah markasta oo aan bilaabo akhriska qur,aanka gaar ahaana suuratul axzaab waxaan soo xasuustaa gabadh aan illaa yaraantii aqoon is kulahayn oo aanu madarasad wada dhiganjirnay,, xataa mararka qaar markaan taraawiixda tukanayo qur,aankana cod macaan lagu akhrinayo way i hor imanaysaa! Muddo laba sano kahor ah ayaanu xidhiidh yeelannay lkn xidhiidhkayagii muu guulaysanin aniguna gabadh kale ayaan guursaday dhawaaan. Inantaa aan kahadlayaa waa inan ehlu diin ah oo wanaagsan, bal arrintaasi maxay noqonkartaa

Mar kastoo quraan akhris aan bilaabo waxaan soo xasuustaa gabadh aan aqaano
Mar kastoo quraan akhris aan bilaabo waxaan soo xasuustaa gabadh aan aqaano

Jawaabta:

Waxay u badan tahay gabadhaas in qalbigaaga ku dhegay, xilliyada aad is baranayseen inaad isku barateen diinta iyo akhriska quraanka marka maskaxda ayay kaa gashay haddaad aragto waxyaalaha ay ku safaysan tahay oo ah akhriska quraanka ayaad soo xusuusanaysaa, maadaama aad guursatay naag kale niyaddaada ka saar xaaskaaga ku dadaal, nasiibkaaga haddii ay tahay waad is heli doontaan waad guursan doontaa haddii aan laguu qadarinna ma helaysid marka maskaxdaada ka saar ha isku mashquulinin.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More