Malmalka maxaa lagu daaweeyaa

Malmalka maxaa lagu daaweeyaa

Waa maxay malmal?  maxaa see lagu yiraahdaa afka ingiriiska iyo afka carabiga?Malmalka english lagu yiraahdaa “Myrrh“, afka carabigana  waa   “مر“Geedka malmalka wuxuu dhererkiisa gaarayaa afar mitir wuxuu leeyahay laafo qodax leh, qaabka malmalka lagaga soo saaro waa in la jeexo geedka markaas ayuu dhacaan soo deynayaa dhacaankaas ayaa noqda malmalka.Malmalka wuxuu ka Baxaa Soomaali iyo Yemen iyo waqooyiga Africa iyo Jaziiradda carabta.

Malmalka maxaa lagu daaweeyaa
Malmalka maxaa lagu daaweeyaa

Nooca ugu fiican waa midka nadiifka ah oo aan carro lahayn.malmalka wax badan ayuu taraa daawo ahaan dadkii hore aad bay u adeegsan jireen, wuxuu yiri Arraazi:

“ينفع لأوجاع الكلى والمثانة ويذهب نفخ المعدة ، والمغص ، ووجع الأرحام ،والمفاصل ، وينفع من السموم ويخرج الديدان ، ويذهب ورم الطحال ، ويحلل الأورام
“wuxuu u roon yahay xanuunka kelliyaha wuxuu tagsiiyaa dibirka caloosha iyo calool xanuunka iyo xanuunka ilmagaleenka iyo kalabaxyada wuxuu wax ka qabtaa sunta wuxuu bixiyaa gooryaanka sidoo kale bararka beeryarada ayuu tagsiiyaa bararyadana wuu daaweeyaa”.Hadalkaas waa hadalka dhakhaatiirtii hore :Dhakhaatiirta casriga waxay sheegeen malmalka waxtarka uu leeyahay waa sida soo socota:Malmalka wuxuu ka ilaaliyaa beerka inuu sumoobosidoo kale wuxuu la dagaallamaa kansarkawuxuu yareeyaa xanuunka.sidoo kale jirrooyinka caabuqa la xiriira ayuu daaweeyaa.sidoo kale malmalka waxaa lagu daaweeyaa qofaca iyo dheefshiidka marka uu adkaado iyo dhaawacyada iyo bukashada caloosha sidoo kale wuxuu daawo u yahay baabasiirka iyo xiranaanta dhuunka marka qofka hargab ku dhaco. Malmalka shaah ahaan baa loo karsan karaa markaas ayaa la cabbayaa, ama waa lagu luqluqoonayaa.Sidoo kale malmalka wuxuu u roon yahay dumarka farjiga ka buka oo dhacaan kaga socda ama naagaha dhiigga kasoo daata.malmalka wuxuu nadiifiyaa dhamaan dhaawacyada jirka oo dhan.Waliba malab inta lagu daro ayaa la cunayaa wax yar subax kaste. qufaca hargabka oo neefta ciriiriga ayuu daaweeyaa.Sidoo kale saameys weyn ayuu ku leeyahay xubnaha taranka wuxuu siyaadaa kartida dhalmada siiba haweenka.dumarka aan uurka qaadin waxaa laga yaabaa inuu wax u taro.Malmalka dhib ma leeyahay?Waxaa lagu ogaaday cilmibaaris in malmalka uu dhibo dadka jirkooda xasaasiyadda qaba taasoo loo yaqaano afka english “Allergic contact dermatitis
Sidoo kale malmalka waxaa habboon inaan layska badinin adeegsigiisa wuxuu keenayaa dhibaatooyin daran marka layska badiyo waxaa dhici karta qandho iyo shuban inuu qofka u keeno marka uu iska badiyo, sidoo kale qofka marka uu qaato wax badan waxaa laga yaabaa inuu kelliya u keeno wax lagu magacaabo afka ingiriiska “Kidney irritationDadka la rabo inay ka digtoonaadaan adeegsiga malmalka:Dadka sokorta qaba waa inay iska jiraan isticmaalka malmalka, waxaa isdiidaya malmalka iyo daawada sokorta.
Haweenka uurka leh iyo kuwa naaska nuujinaya iyagana waa inay iska ilaaliyaan, naagaha uurka leh waxaa dhici karta inuu ilmaha kasoo rido.
Sidoo kale dadka la qalay iyagana waxaa laga rabaa inay iska jiraan isticmaalka malmalka.
Naagaha dhiiga ka socda iyagana waa inay iska ilaaliyaan waayo wuxuu siyaadiyaa dhiigshubanka ilamagaleenka, xataa naagaha caadada kasoo daahdo hadday malmal cabbaan waxaa laga yaabaa inuu dhiiga ka keeno.
Faa’idooyinka laga helo geedka malmalka lama soo boobi karo, soomaalida xataa aad ayay u adeegsadaan malmal marka qof xanuunsado.
Waliba caruurta muyuqa ah ayaa lagu daaweeyaa.

Dhegeyaraha (Clove) Siduu Ugu Roon Yahay Raganimada

Saliida malmalka saliid malmal
Saliida malmalka saliid malmal

Malmal In English:

 

What is myrrh? What is it called English and Arabic? Myrrh is called “Myrrh” in English, and in Arabic it is “مر” The myrrh tree reaches the height of four meters and has thorny branches, the way the myrrh is extracted is to tear the tree and then it falls and releases the fall becomes myrrh. Malmalka grows in Somalia and Yemen and north Africa and the Arabian Peninsula.

They said myrrh’s benefits are as follows: Myrrh protects the liver from poisoning and it fights cancer and reduces pain.It also treats infection-related diseases.Also myrrh is used to treat the person and the digestive system when it becomes difficult and wounds and stomach disease it is also a cure for constipation and throat closure when a person has a cold. Myrrh can be cooked as tea and then drunk, or rinsed.

Hilibka Idaha

Cuntoooyinka la siin karo qofkay siigada dishay

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More