Mala dhaqayaa marada aad xirnayd marka xaydka qabto

Su’aasha:

Salama walal waxan ka rabaa Inan ku waydiiyo gabadha marka ay daahir ka aheyd oo ay xaaydh ka qabto dharka ay kor ka xerato sida top ka ama qimaarka ma daahir baa mise in la dhaqo oo la daahiriyo ayey rabaan. Dad ka waxay dhahan marka xaaydh ka qabto xita dhididka daahir kaaha oo marada aad ku dhidido xita kuma tukan kartid bal wax iga sheeg allaha kheyr ku siiyee.

Mala dhaqayaa marada aad xirnayd marka xaydka qabto
Mala dhaqayaa marada aad xirnayd marka xaydka qabto

Jawaabta:

Dhiiga xaydka waa nijaas meesha uu gaaro waa in laga dhaqaa, laakin marada aad xiran tahay oo aan dhiigga gaarin nijaas ma aha waa daahir, sida garbasaarka saakada diraca qamaarka safaleetiga sigiska dhamaan wixii dhiigga ka fog, sidoo kale dhisidka gabadha xaydka qabto waa daahir, marka waxyaalaha aad sheegtay waxaa laga yaabaa dadka diinta aan aqoonin inay aaminsan yihiin, oo ay ka dhigaan dhiigga caadada inuu naagta nijaaseeyo, yahuudda ayaa sidaas ahaan jiray naagta marka ay caado ku dhacdo xataa cunto lama cuni jirin.

Laakin diinta islaamka sidaas ma aha.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More