Islaamka muxuu ka qabaa qabyaaladda
Islaamka muxuu ka qabaa qabyaaladda
Markaad akhriso nusuusta soo socota aayado iyo axaadiis ka kooban waxaad ogaanaysaa in qabyaaladda aysan waxba tarin, kaliya qofka in diintiisa ay wax u tarayso, islaamka wax badan ayuu qofka muslin ku booriyay.

Midnimada ayaa lagu dhisi karaa umad,ย qabyaalad wax baa lagu dumiyaa, Islaamka aad buu xoogga u saaray nusuusย badan ayaa ku soo aroortay waxaa ka mid ah:
Oraahda Alle:
(ููุงุนูุชูุตูู ููุง ุจูุญูุจููู ุงูููููู ุฌูู ููุนูุง ููููุง ุชูููุฑูููููุง)
(Xarigga Alle qabsada dhammaantiina hana kala tagina).
Wuxuu la yimid nabiga โ naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee โย risaalo ugu yeeraysa midnimada iyo isku duubnaanta oona reebaysa kalatagga iyo khilaafka, wuxuu isu keenay carab oo kala daadsan wuxuuna ka dhigay hal ummad wuxuu ku walaalaysiiyay walaaltinnimada iimaanka, qalbigoodana wuxuu isugu geeyay isjacayl, wuxuu leeyahay Alle subxaanahu:
{ุฅููููู ูุง ุงููู ูุคูู ูููููู ุฅูุฎูููุฉู}
(Muโminiinta waa uun walaalo), wuxuu yiri Alle subxaanahu:
{ููุฃูููููู ุจููููู ูููููุจูููู ู ูููู ุฃูููููููุชู ู ูุง ููู ุงูุฃูุฑูุถู ุฌูู ููุนูุง ู ูุง ุฃููููููุชู ุจููููู ูููููุจูููู ู ููููููููู ุงูููููู ุฃูููููู ุจูููููููู ู ุฅูููููู ุนูุฒููุฒู ุญููููู ู}
(Isuna soo keenay quluubtooda, haddaad bixiso waxa dhulka ku sugan oo dhan maadan isu keenteen quluubtooda, laakin Alle ayaa isu keenay dhexdooda Illeen isagaa Adkaade falsan ehe).
wuxuu yiri:
(ู ูุซููู ุงููู ูุคูู ูููููู ููู ุชูููุงุฏููููู ู ููุชูุฑูุงุญูู ูููู ู ููุชูุนูุงุทูููููู ู ู ูุซููู ุงููุฌูุณูุฏู ุ ุฅูุฐูุง ุงุดูุชูููู ู ููููู ุนูุถููู ุชูุฏูุงุนูู ูููู ุณูุงุฆูุฑู ุงููุฌูุณูุฏู ุจูุงูุณููููุฑู ููุงููุญูู ููู)
(Muโminiinta tusaalahooda xagga isjacaylkooda iyo isu naxariisashadooda iyo isu dhimrintooda waa sida jirka oo kale, marka xubin ka sheegato jirka oo dhan dhafar iyo qandho ayuu ka sheegtaa).
wuxuu leeyahay Alle subxaanahu:
{ููุง ุฃููููููุง ุงููููุงุณู ุฅููููุง ุฎูููููููุงููู ู ููู ุฐูููุฑู ููุฃููุซูู ููุฌูุนูููููุงููู ู ุดูุนููุจูุง ููููุจูุงุฆููู ููุชูุนูุงุฑููููุง ุฅูููู ุฃูููุฑูู ูููู ู ุนููุฏู ุงูููููู ุฃูุชูููุงููู ู ุฅูููู ุงูููููู ุนููููู ู ุฎูุจููุฑู}
(Dadow waxaan idinka abuurnay lab iyo dhaddig, waxaanna idinka yeelnay shucuub iyo qabiilooyin si aad isu aqoonsataan, ruuxase ugu sharaf badan Alle agtiisa waa ka idiinku dhawrsasho badan, Allana wax walba waa ogyahay).
waxaa ka mid ah taas oraahda Alle:
{ููุฅูููู ุนูุงุฏู ุฃูุฎูุงููู ู ูููุฏูุง}
(Waxaan u dirnayย caad walaalkooda Huud), iyo oraahdiisa:
{ููุฅูููู ุซูู ููุฏู ุฃูุฎูุงููู ู ุตูุงููุญูุง}
(Waxaan u dirnay Thamuud walaalkooda Saalix)
Iyo oraahda Alle subxaanahu:
{ููุฅูููู ู ูุฏููููู ุฃูุฎูุงููู ู ุดูุนูููุจูุง}
(Waxaan u dirnay Madyan walaalkooda Shucayb)
Alle markuu sheegay kaddib qisooyinka anbiyada hore wuxuu yiri:
{ููุฅูููู ููุฐููู ุฃูู ููุชูููู ู ุฃูู ููุฉู ููุงุญูุฏูุฉู ููุฃูููุง ุฑูุจููููู ู ููุงุชููููููู}
(Tanna waa umaddiiniiย umad kaliya anna waxaan ahay rabbigiina ee iga dhawrsada)
Wuxuu yiri subxaanahu:
{ุฅูููู ููุฐููู ุฃูู ููุชูููู ู ุฃูู ููุฉู ููุงุญูุฏูุฉู ููุฃูููุง ุฑูุจููููู ู ููุงุนูุจูุฏูููู}
(Tanna waa umaddiiniiย umad kaliya anna waxaan ahay rabbigiina ee i caabuda).
wuxuu leeyahay rasuulka:
(ุฅูููู ุงูููู ููุฑูุถูู ููููู ู ุซูููุงุซูุง ุ ููููููุฑููู ููููู ู ุซูููุงุซูุง ุ ููููุฑูุถูู ููููู ู: ุฃููู ุชูุนูุจูุฏูููู ููููุง ุชูุดูุฑููููุง ุจููู ุดูููุฆูุง ุ ููุฃููู ุชูุนูุชูุตูู ููุง ุจูุญูุจููู ุงูููู ุฌูู ููุนูุง ููููุง ุชูููุฑูููููุง ุ ููููููุฑููู ููููู ู : ููููู ููููุงูู ุ ููููุซูุฑูุฉู ุงูุณููุคูุงูู ุ ููุฅูุถูุงุนูุฉู ุงููู ูุงูู)
(Alle seddex ayuu raalli idin kaga yahay seddexna wuu idinku kiraahsadaa, wuxuu raalli idin kaga yahay inaad caabuddaan oo ayadan wax la wadaajinin, inaad qabsataan xarigga Alle dhammaantiina oo aydan kala tagin, wuxuu idinku kiraahsadaa;ย waa la yiri iyo wuu yiri, iyo suโaal badan, iyo dayacidda maalka).
Wuxuu nabiga ummadda tusaaleย uga dhigay markay midwodo oo ay is qabsato dhis isku rasaysan, wuxuu yiri rasuulka:
(ุงููู ูุคูู ููู ููููู ูุคูู ููู ููุงููุจูููููุงูู ุ ููุดูุฏูู ุจูุนูุถููู ุจูุนูุถูุง ุ ููุดูุจูููู ุจููููู ุฃูุตูุงุจูุนููู)
(Muโminka wuxuu u yahay muโminka dhis oo kale qaarkii qaarka kale ayuu adkeeyaa, farahiisa ayuu is dhexgaliyay).
Sidoo kale Islaamka wuxuu ugu yeeray wax kaste sabab u noqon kara midnimada, wuxuu ugu yeeray naxariista iyo jilicsanaanta iyo degenaanta, wuxuu yiri Alle:
{ููุจูู ูุง ุฑูุญูู ูุฉู ู ููู ุงูููููู ููููุชู ููููู ู ูููููู ููููุชู ููุธููุง ุบููููุธู ุงููููููุจู ููุงููููุถูููุง ู ููู ุญููููููู ููุงุนููู ุนูููููู ู ููุงุณูุชูุบูููุฑู ููููู ู ููุดูุงููุฑูููู ู ููู ุงููุฃูู ูุฑู ููุฅูุฐูุง ุนูุฒูู ูุชู ููุชูููููููู ุนูููู ุงูููููู ุฅูููู ุงูููููู ููุญูุจูู ุงููู ูุชููููููููููู}
(Naxariista Alle darteed ayaad ugu jilicday haddaadse tahay mid qallafsan oo qalbi adag way kaa kala tagi lahaayeen gaararkaada, ee iska cafi una dambi dhaaf warso kalana tasho amarka, markaas haddaad wax goosatana talo saaro Alle Ilaahayna wuxuu jecel yahay kuwa talasaartee).
Naxariista iyo jilicsanaanta waxay sabab u yihiin midnimada iyo isu keeniidda quluubta, wuxuu yiri rasuulka:
( ุฅูููู ุงูุฏููููู ููุณูุฑู ุ ูููููู ููุดูุงุฏูู ุงูุฏููููู ุฃูุญูุฏู ุฅููุงูู ุบูููุจูููุ ููุณูุฏููุฏููุง ููููุงุฑูุจููุง ููุฃูุจูุดูุฑููุง ุ ููุงุณูุชูุนูููููุง ุจูุงููุบูุฏูููุฉู ููุงูุฑููููุญูุฉู ููุดูููุกู ู ููู ุงูุฏููููุฌูุฉู)
(Diinka wuu fudud yahay, qof iskuma adkeeyo haddii kale wuu ka adkaanayaa, toosiya dhexdhexeysta bishaareysta, kaalmeysta arootii iyo galabtii iyo qeyb ka mid ah dheelmashada), wuxuu yiri rasuulka:
(ุฅููููู ูุง ุจูุนูุซูุชู ุจูุงููุญูููููููููุฉู ุงูุณููู ูุญูุฉู)
(Waxaa layla soo diray diinta toosan oo sahlan).
wuxuu leeyahay Alle:
{ููููููููุง ููููููุงุณู ุญูุณูููุง}
(Dadka wanaag ku dhaha) wuxuu leeyahay Alle subxaanahu:
{ูููุง ููููููุงููู ู ุงูููููู ุนููู ุงูููุฐูููู ููู ู ููููุงุชููููููู ู ููู ุงูุฏููููู ููููู ู ููุฎูุฑูุฌููููู ู ููู ุฏูููุงุฑูููู ู ุฃูู ุชูุจูุฑูููููู ู ููุชูููุณูุทููุง ุฅูููููููู ู ุฅูููู ุงูููููู ููุญูุจูู ุงููู ูููุณูุทูููู}
(Alle idinkama reebayo kuwa diinta aan idinkula dagaallamin guryiinana aan idin kasoo saarin inaad u sameysaan samafal oona aad u garsoortaan, maxaayeelay Alle waa jecel yahay kuwa garsooreyaasha).
Qofka si fiican ula socdo dhacdooyinka taariikhiga wuxuu ogaanayaa in kalatagga iyo khilaafka ay yihiin sabab ka mid ah sabaha jabka iyo daciifnimada, wuxuu nooga digay quraanka kariimka arrinkaas, wuxuu yiri Alle:
{ููููุง ุชูููููููุง ููุงูููุฐูููู ุชูููุฑูููููุง ููุงุฎูุชููููููุง ู ููู ุจูุนูุฏู ู ูุง ุฌูุงุกูููู ู ุงููุจููููููุงุชู ููุฃููููุฆููู ููููู ู ุนูุฐูุงุจู ุนูุธููู ู}
(Hana noqonina kuwa kala tegay oo kale ee iskhilaafay intay u yimaadeen xujooyin kadib kuwaasina waa kuwa cadaab weyn u sugan yahay), wuxuu yiri Alle:
{ููููุง ุชูููุงุฒูุนููุง ููุชูููุดููููุง ููุชูุฐูููุจู ุฑููุญูููู ู ููุงุตูุจูุฑููุง ุฅูููู ุงูููููู ู ูุนู ุงูุตููุงุจูุฑูููู}
(Hana murmina ood fashilantaan uu tagana xooggiinnu samra Alle wuxuu la jiraa kuwa samree).
Sidaa awgeed Islaamka wuxuu la dagaallamay dhaqan kaste keeni kara kalatag iyo khilaaf, waxaad arkaysaa Islaamka asoo reebay midabtakoor oo ka mid ah raadyada qabyaaladda jaahiliyada oo la neceb yahay wuxuu yiri rasuulka:
(ุฅูููู ุงูููููู (ุนูุฒูู ููุฌูููู) ููุฏู ุฃูุฐูููุจู ุนูููููู ู ุนูุจูููููุฉู ุงููุฌูุงูููููููุฉู ููููุฎูุฑูููุง ุจูุงููุขุจูุงุกู ุ ู ูุคูู ููู ุชูููููู ุ ููููุงุฌูุฑู ุดูููููู ุ ุฃูููุชูู ู ุจูููู ุขุฏูู ู ููุขุฏูู ู ู ููู ุชูุฑูุงุจู)
(Alle wuxuu idinka tagsiiyay kibirka jaahiliyada iyo ku faanidda aabbeyaashooda, waxaa jira muโmin taqi ah iyo faajir xun, waxaad tihiin ilmaha Aadam Aadamna waxaa laga abuuray caro).
wuxuu yiri rasuulka:
(ููุง ุฃููููููุง ุงููููุงุณู ุ ุฃูููุง ุฅูููู ุฑูุจููููู ู ููุงุญูุฏู ุ ููุฅูููู ุฃูุจูุงููู ู ููุงุญูุฏู ุ ุฃูููุง ููุง ููุถููู ููุนูุฑูุจูููู ุนูููู ุนูุฌูู ููู ุ ููููุง ููุนูุฌูู ูููู ุนูููู ุนูุฑูุจูููู ุ ููููุง ุฃูุญูู ูุฑูย ุนูููู ุฃูุณูููุฏู ุ ููููุง ุฃูุณูููุฏู ุนูููู ุฃูุญูู ูุฑู ุ ุฅููููุง ุจูุงูุชูููููููโฆ) .
(Dadow: rabbigiina waa hal, aabbihiinana waa hal, qof carab ah kama fadli badna qof cajam ah, qof cajam ahna kama fadli badna qof carab ah, qof guduudanna kama fadli badna qof madow, qof madowna kama fadli badna qof guduudan Alle ka cabsi mooyee, kiina ugu qiimaha badan xagga Alle waa kiina ugu taqwo badanโฆ).
Marka waxaad ogaataa soomaali marka ay ka leexatay waddada Islaamka saxa ah ayay ku dhacday godka qabiilka, qabyaaladda ayay madaxa la gashay
ย
Fasirka xadiiska dumarka caqliyarida iyo diin yarida ku tilmaamay