Site icon Daruur درور

Hurdada ayaan uur ku qaaday maxaan sameeyaa

Su’aasha:

Waxaan ahay naag la qabo uur ayan leyahay, waxa i wareerinaya waswaas oo ah inuu i uureeyay nin aan ninkayga ahayn, habeen ayaan booqday dad qaraabo aan nahay gurigooda ayaan seexday waswaas ayaa i yimid oo ah in habaryartayda ninkeeda anoo hurdaya i kufsaday waxaa qalbiga iiga taagan in uurkan isaga ii yeelay maxan sameya ila taliya waswaas daran ayaa nafta iga qaday sorry.

Hurdada ayaan uur ku qaaday
Hurdada ayaan uur ku qaaday

Jawaabta:

Intaanan ka jawaabin waxaan kuu sheegayaa marka hore  haddii aad tahay qof sidaan u shaki badan maxaa ku geeyay gurigaas, teeda kale ma  aha wax sahlan naag in la kufsado iyadoo hurdaysa, waa sheeko yaab badan, waayo qofka marka uu hurdayo ma aha qof meyd ah inkastoo ay jiraan dumar hurda culus laakin haddana way adag tahay inuu ninka naag hurdaysa galmo la sameeyo iyadoon ogayn, hadday is hurudsiiso mooyee, naagaha qaarna taas way ka suurowdaa.

sidoo kale haddii lacalla ay dhacday inuu ninka ku kufsaday adoo hurdaya maxaa daliil kuu ah inuu leeyahay uurka.

marka waxaan ku leeyahay waxaas oo dhan waa waswaaska shaydaanka ee Alle ka magangal. waxaaba laga yaabaa inaad ku riyootay ninka qabo habaryartaada asoo ku kufsanayo oo marka meesha uu kaaga yimid waswaaska iyo shakiga.

teeda kale aad isaga Ilaali inaad seexato guryaha aadan ka heli karin amaan dhammaystiran.

waxaa lagaa raabaa inaadan seexannin meel aan ahayn guriga ninkaaga iyo kan hooyadaada iyo aabbahaaga iyo walaalahaaga iyo ilmahaaga.

Sheekooyinka noocan ah waa surtagal inay dhacaan laakin aad bay u adag tahay run ahaantii, marka shakiga iska naar oo iska ilaali wixii kugu ridi karo baddaas haddii kale sheekada way ku waalaysaa.

Exit mobile version