Su’aasha:
Waxaan ahay naag la qabo uur ayan leyahay, waxa i wareerinaya waswaas oo ah inuu i uureeyay nin aan ninkayga ahayn, habeen ayaan booqday dad qaraabo aan nahay gurigooda ayaan seexday waswaas ayaa i yimid oo ah in habaryartayda ninkeeda anoo hurdaya i kufsaday waxaa qalbiga iiga taagan in uurkan isaga ii yeelay maxan sameya ila taliya waswaas daran ayaa nafta iga qaday sorry.

Jawaabta:
Intaanan ka jawaabin waxaan kuu sheegayaa marka hore haddii aad tahay qof sidaan u shaki badan maxaa ku geeyay gurigaas, teeda kale ma aha wax sahlan naag in la kufsado iyadoo hurdaysa, waa sheeko yaab badan, waayo qofka marka uu hurdayo ma aha qof meyd ah inkastoo ay jiraan dumar hurda culus laakin haddana way adag tahay inuu ninka naag hurdaysa galmo la sameeyo iyadoon ogayn, hadday is hurudsiiso mooyee, naagaha qaarna taas way ka suurowdaa.
sidoo kale haddii lacalla ay dhacday inuu ninka ku kufsaday adoo hurdaya maxaa daliil kuu ah inuu leeyahay uurka.
marka waxaan ku leeyahay waxaas oo dhan waa waswaaska shaydaanka ee Alle ka magangal. waxaaba laga yaabaa inaad ku riyootay ninka qabo habaryartaada asoo ku kufsanayo oo marka meesha uu kaaga yimid waswaaska iyo shakiga.
teeda kale aad isaga Ilaali inaad seexato guryaha aadan ka heli karin amaan dhammaystiran.
waxaa lagaa raabaa inaadan seexannin meel aan ahayn guriga ninkaaga iyo kan hooyadaada iyo aabbahaaga iyo walaalahaaga iyo ilmahaaga.
Sheekooyinka noocan ah waa surtagal inay dhacaan laakin aad bay u adag tahay run ahaantii, marka shakiga iska naar oo iska ilaali wixii kugu ridi karo baddaas haddii kale sheekada way ku waalaysaa.
Galmada aroortii iyo caafimaadka ninka iyo naagta
I became pregnant during sleep, and I have severe obsession
Before I answer, I will tell you first if you are such a suspicious person why did you go to that house, on the other hand, it is not easy to rape a woman while she is sleeping, it is a very strange story, because a person is not a dead person when he is sleeping, although there are women who sleep deeply, but it is still difficult for a man to have sex with a sleeping woman without her knowing, unless she makes herself sleep, and some women can do that.
Also, if it happened that he raped the man while she was sleeping, what evidence do you have that he is pregnant?
So I say to you that all this is the devil’s obsession, seek refuge in Allah. You may have dreamed of the man who married your aunt and raped you, and that is where the obsession and suspicion came from.
On the other hand, be careful not to sleep in houses where you cannot find complete security.
You are asked not to sleep anywhere other than in your husband’s house, your mother’s house, your father’s house, your siblings’ house, and your child’s house.
Stories like this are possible but they are very difficult to come by, so be careful and avoid anything that could throw you into that sea, otherwise the story will drive you crazy.
