Hooyo oo gabadheeda laga qaatay oo loo geeyay nin adeer u ah

Su’aasha:

Asc wll allaha ku barakeyo

Qof hooyo eh aya gabadheda laga qaatay aabaheed ayaa ka waday wuxuna ugeey adeerkeed gabadha hoyaded io aabaheed wey is dagaaleen aabahane wuxuu dhahay iima imaa kartid gabadha hooyaded wa lugu diray sifican ulama hadasho gabadha 14jir waye
Hòoyadaas marwalbo waxey ku riyoota gabadheda oo dhib ku jirto marwalbo fikirkeeda gabadhas lee ayee ka fikiree hadee wacdo gabadha wey iska ooyneesa gabadha waye waxa ooynaayo isku magalo aye jogan lkn aabaha baadiyo ayuuba iska aaday .Wll talo aye idinka dooneesaa Jazakaallh Wllo maxad

Hooyo oo gabadheeda laga qaatay oo loo geeyay nin adeer u ah
Hooyo oo gabadheeda laga qaatay oo loo geeyay nin adeer u ah

Jawaabta:

Guud ahaan aabbaha qalad weyn ayuu sameeyay, maxaayeelay waa xaaraan inuu u diido gabar hooyadeeda inay xiriiriso, taas waa dambi weyn waa qaraabo goys.

Teeda kale haweeneydaas waxaan  kula talinayaa inay arrintaas gaarsiiso dadka culimada iyo akhyaarta ku nool meesha ay joogto si xaalkeeda wax loogu qabto, waayo qaab kale ma jiro oo xaqeeda loogu soo celin karo.

Teeda kale haddii ay gabadha diiddo taas waxay dambi ku noqonaysaa sidoo kale gabadha illeen 14 sano ayay jirtaa inta badan waa qaangaar, dambi ayaa loo qorayaa haddii ay hooyadeeda xiriirin wayso.

Haddii ay jidadka oo dhan ka soo xirmaan waa inay sabartaa oo Alle ay baryisaa oo aysan maskaxdeeda dhaawin.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More