Haddii aabahayga arrin aan ka diido caasinimo miyaa

Su’aasha:

Asc Daruur, waxan ahay nin dimuqraadiyadda neceb kana soo horjeeda una arka inay tahay nidaam islaamka ka fog oo ree galbeeed, waligay doorasho (vote) man codaynin inaan codeeyaana iima qorshaysna insha allah,, wakhti aan fogayn ayaa nin beeshayada kasoo jeedaa uu doorasho iskusoo Sharraxay, dadkii ayuu qarash gareeyay wuxuna kacodsaday inay u codeeyaan lkn anigu maan codayn , aabo ayaa inbadan igu celceliyay u codee anna sicad ayaan udiiday anigoon rabin nidaamkaa aan soo sheegay inaan qayb ka noqdo,, hadaba suaashaydu waxa waaye maadaama aan aabahay warkiisa maqli waayay arrintaasi cisyaan waalid ma noqonaysaa?

Haddii aabahayga arrin aan ka diido caasinimo miyaa
Haddii aabahayga arrin aan ka diido caasinimo miyaa

Jawaabta:

Qofka hadduu ka diido waalidkiisa wixii qaldan ma noqonayo caasi, wixii aan qaldanayn waalidka waa in lagu raacaa hadduusan qofka dhib u keenaynin, caasinimada.

Wuxuu yiri nabiga (SCW):

(لا طاعةَ لمخلوقٍ في معصيةِ الخالقِ)

(Qof maqluuq laguma adeeco macsiyada khaaliqa)

Baarrinimada waa in waalidka aan lagu qaylinin waa in la ixtiraamo waa in wax la siiyo, waa in loo naxariisto, laakin wixii qalad ah laguma raacayo, inkastoo doorashada faahfaahin dheeraad ay u baahan tahay iyo qaababka ay tahay, laakin haddaad ku qanacday inay xaaraan tahay inaad ku raacdo ma aha.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More