Su’aasha:

walal hooyadee ayaa kur iyootay hooyadeed oo dhimatay hal sano kahor waa ayeeyadee july 2020 ayee dhimatay habeen hore ayee ku riyootay ayadoo macmacaan siineeso kadibna maya ee dhaheyso maxee noqon kartaa.

 Fiiro gaar: wll qaali sorry riyada meel yar baan kaqaldy iga raali noqo iigana falceli hadii macquul tahay please ee qofka dhintay cuntada ma uusan diidiin ee afka iigali ayuu dhahay sidaas ayee kuqaadatay maxee noqonee

Riyada qof dhintay oo macmacaan aad siineyso asna kaa diidayo
Riyada qof dhintay oo macmacaan aad siineyso asna kaa diidayo

Jawaabta:

Riyada waa khayr inshaa Allaah hooyadaada nolol macaan ayay helaysaa iyo arsaaq waasac ah riyada waxay tilmaamaysaa xaaladda hooyadaada ay gali doonto ee barwaaqo ah.

Riyada fasirkeeda waa sidaan kugu fasiray laakin siyaado ayaa raacayso:

waxaa kaloo ay tusin kartaa in ayeeyadaada duco ay gaari doonto oo ka imaanayso xagga hooyadaada iyo ubadka ay dhashay taasna waa wax aad ugu fiican qofka dhintay.

5 Responses

  1. runtii abaal weyn baan idin heeya sxbyaal allaha idin barakeeyo sxbyaal awaalkiina magudi karo lkn pages 130k io telegram 4k maraya baan leeyahay adsense inaa wax fiican kaheshan rajeena share baan idin taaban markale alle haidinka abaal mariyo

    1. Walaal waad ku mahadsan tahay guud ahaan howshan waxaa loogu talaggalay bulshada soomaaliyeed u baahan in su’aalo looga jawaabo si cilmi ku dhisan qof kastana inuu marjic ka dhigan karo su’aalahana ay ku keydsamaan webka taas waxay u baahan tahay dadaal iyo qarash marka wixii laga helo adsense webka ayuu kor u qaadaa.

  2. wll qaali sorry riyada meel yar baan kaqaldy iga raali noqo iigana falceli hadii macquul tahay please ee qofka dhintay cuntada ma uusan diidiin ee afka iigali ayuu dhahay sidaas ayee kuqaadatay maxee noqonee

Leave a Reply