Habka ugu fiican oo waswaaska shaydaanka lagula dagaallamo

Su’aasha:

Waswaska dhanka waxbarashada Ayan xal ulahaay markasto is idhahda wax akhriso oo daadalba waswaska soonka nadarka ah aya igubilabanayo hadan A helo inta iyo inta Ayan soomi marka maxa sameeya inan si xor ah wax u akhristo Ayan Raba soona marabo sababto ah ramadhanadki lasoodhafay sooman Ayan jiray igatagay lakin wanhilmamay dibkas iyo iskumashqulidan owgeed soomankan nadarka ah oo waswaska wato way igubayeen mana Kala sari Karo inan kuhadlay iyo inkale waxaan kacabsi qaba inan sooman kumanan ah laigu leyahay mida kale wuxuu Ila egta markan wayso qadanayo iyo qubeysanayo ileen mararka kale wan ogahay inan hadlayo iyo in laiga dexhadlayo
Waxaan Raba Gabi ahanba inan kataqaluso waswaska noolasha ayuu cidhidhi iga dhigay wllh talo iga siiya wan ogahay sualo lamid ah inan idin so waydiyay lakin hadaana talo kale Ayan iska Raba wayo qof xanuunsan Ayan ahy.

Habka ugu fiican oo waswaaska shaydaanka lagula dagaallamo
Habka ugu fiican oo waswaaska shaydaanka lagula dagaallamo

Jawaabta:

Waan ogahay inuu dhib kugu hayo waswaaska talooyin badanna waan ku siiyay, saan kuu sheegay xalka ugu fiican waa inaad duceysataa oo aad Alle magangashaa oo aadan wax kasoo qaadin shaydaanka waxa uu qalbiga kaasoo galinaya, kumanaanka soon aad sheegayso waa waswaas shaydaan ee ma aha wax Alle kugu waajibiyay, Alle aad buu ugu naxariistaa addoonkiisa ilaahay wuxuu yiri:

(وَمَا جَعَلَ عَلَيْكُمْ فِي الدِّينِ مِنْ حَرَجٍ مِّلَّةَ أَبِيكُمْ إِبْرَاهِيمَ هُوَ سَمَّاكُمُ الْمُسْلِمِينَ مِن قَبْلُ وَفِي هَذَا لِيَكُونَ الرَّسُولُ شَهِيدًا عَلَيْكُمْ وَتَكُونُوا شُهَدَاءَ عَلَى النَّاسِ)

(Mana yeelin diinta dhib, waa diintii aabihiin Ibraahim, isagaana Idiinku magacaabay muslimiin horay iyo Quraankan si rasuulku marag korkiina ugu noqdo, idinkuna aad marag u ahaataan dadka),

Wuxuu yiri Alle:

(يُرِيدُ اللَّهُ بِكُمُ الْيُسْرَ وَلَا يُرِيدُ بِكُمُ الْعُسْرَ)

(Wuxuu idinla doonayaa Alle fudayd ee idin lama doonayo culays),

wuxuu leeyahay Alle:

(يُرِيدُ اللَّهُ أَنْ يُخَفِّفَ عَنْكُمْ وَخُلِقَ الْإِنْسَانُ ضَعِيفًا)

(Wuxuu doonayaa Alle inuu idinka fududeeyo, waxaase la abuuray aadanaha isagoo tabar yar)

wuxuu leeyahay Alle:

(لَا يُكَلِّفُ اللَّهُ نَفْسًا إِلَّا وُسْعَهَا)

(Alle kuma kalifo naf waxayna karin)

wuxuu leeyahay – subxaanahu -:

(قُلْ يَا عِبَادِيَ الَّذِينَ أَسْرَفُوا عَلَى أَنْفُسِهِمْ لَا تَقْنَطُوا مِنْ رَحْمَةِ اللَّهِ إِنَّ اللَّهَ يَغْفِرُ الذُّنُوبَ جَمِيعًا إِنَّهُ هُوَ الْغَفُورُ الرَّحِيمُ)

(Dheh (Nabiyow) addoomadayda ku xadgudbay naftoodow ha ka quusanina naxariista Alle, Ilaahay ayaa dhaafa danbiyada dhamaantooda, waana dambi dhaafbadane oo naxariis badane ah),

wuxuu leeyahay:

(وَرَبُّكَ الْغَفُورُ ذُو الرَّحْمَةِ)

(Rabigaaga waa dambi dhaafe naxariis leh),

wuxuu leeyahay nabigeena – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee – :

(إِنَّ الدِّينَ يُسْرٌ وَلَنْ يُشَادَّ الدِّينَ أَحَدٌ إِلاَّ غَلَبَهُ، فَسَدِّدُوا وَقَارِبُوا وَأَبْشِرُوا ، وَاسْتَعِينُوا بِالْغَدْوَةِ وَالرَّوْحَةِ وَشَيْءٍ مِنَ الدُّلْجَةِ)

(Diinka wuu fudud yahay, qof iskuma adkeeyo haddii kale wuu ka adkaanayaa, toosiya dhexdhexeysta bishaareysta, kaalmeysta arootii iyo galabtii iyo qeyb ka mid ah dheelmashada).

Marka haddii aad dareento waswaas dhag jalaq ha u siinin shaydaanka waxba haka soo qaadin waswaaska hortaada u soco aayadahan soo xusuuso mar walba.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More