Haamaha haraaga sunta nukliyerka oo banaanka soo baxay

Haamaha haraaga sunta nukliyerka oo banaanka soo baxay

Sida idin kaga muuqata sawirradan, waa haamo ay ka buuxaan sida la sheegay Haraaga Sunta Nukliyerka ee wax gumaada (Nuclear Waste) oo lagu soo qubay xeebaha badda soomaaliya muddo dheer kahor.

Haamaha haraaga sunta nukliyerka oo banaanka soo baxay
Haamaha haraaga sunta nukliyerka oo banaanka soo baxay

Haantaan ayaa waxay ku soo caarisay deegaanka Iidaan oo qiyaastii dhanka waqooyi ka xigta 100Km magaalo xeebeedka Hobyo. Sida aan ka soo xigtay dadka deegaanka haantaan ayaa in muddaa taallay goobtaas, iyadoo aan cidina iska xil saarin in wax laga qabto, hadday noqon lahayd dawladda dhexe iyo mid gobolba.

Haantaan oo ku dhaw inay dillaacdo sida ka muuqata masawirkan waxay geysan kartaa aafooyin musiibo oo ah bad iyo berriba leh. Badankeennu ma garanayno khatarta uu leeyahay (Nuclear Radiation) ama shucaaca ay suntani wadato oo gaari kara boqolaal Km oo dhinac kasta ah.
Haddaba ciddii arrintan wax ka qaban karta ama u awood u leh inay musiibadan ka hortagto fadlan qabo waxaad qaban karto inta aysan ku halaagsamin dad iyo duunyaba.
jirrooyinka laga helo dalka mar kaste waxaa sabab u ah suntan aadka u daran, dowlad oggol ma jirto dalkeeda in lagu aaso, laakin soomaali waxaa la arkay inay tahay wadan qof kaste u furan wuxuu rabo ka sameysan kara.
dowladla’aantu dhibkan ayay leedahay.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More