Guurka maxaa fashiliya sababaha asaasiga ah

What makes the marriage fails

Guurka maxaa fashiliya

Samanka aan joogno waxaa aad u batay furiinka, marka taas ayaa waxay keenaysaa isweyddiin oo ah maxaa keenay in furiinka uu bato?
Runta marka laga hadlo guurka wuxuu ku dhisan yahay run iyo daacadnimo, laakin waqtiga aan juugno sidaas ma aha.
raga iyo dumarka waxay isku shukaansadaan been iyo lagdabo, ninka marka uu shukaansiga kula jiro gabadha wuxuu ku akhrinayaa hadalo malab ah laakin dhibtii sun ah.
wuxuu u sheegayaa inuu jacayl daran uu u qabo inuusan habeenkii saaxan karin, ereyo jacayl ayuu maantoo dhan la taagan yahay.

Guurka maxaa fashiliya sababaha asaasiga ah
Guurka maxaa fashiliya sababaha asaasiga ah

sidoo kale gabadhii iyaduna waxaa laga yaabaa inay rag kale hoose ka shukaansanayso, dumarka qaar baa waxay dhahaan “kun baa la shukaansadaa kow baa laga qaataa”.
hadalkan wuxuu tilmaamayaa naagaha inay iyagana caadi ahayn.
marka guri sidaas lagu dhisay miyaa laga yaabaa inuu sii jiro.
teeda kale waxaa laga yabaa ninka guursanaya inuusan waxba ka ogeyn qoys wuxuu yahay, waxaa laga yaabaa inuu u galay guurka raaxo keliya, marka uu isku arkay shahwo iyo kacsi badan wuxuu is yiri daawada raadso isagopo aan i dhihin shahwadan waxaa ku hareera mas’uuliyad badan oo lagaa rabo inaad fuliso oo ay ka mid yihiin gabadhan inaad si fiican ula dhaqanto biilkeeda aad meel saarto haddii ay uu qaaddana aad noqoto mid ka fikiraya ubadkiisa.
raga qaar waxay leeyihiin dabeecad qaab daran taas oo ah marka ay naag guursadaan midda ay guursadeen sheekadeeda ayayba nacaan, waxay raadiyaan gabdho kale ay la sheekeystaan.
waxaa laga yaabaa naagtiisa inuusan kula hadlin ereyo jacayl xambaarsan, gabdhaha islaameedna inuu maanta oo dhan ammaan la dul taagan yahay ku hayo abaayo macaan, naagtiisana markuu la hadlayo wuxuu ku leeyahay naayaa shaaha ii keen marka ay u keento wuxuu leeyahay shaahan sokorta ayaa ku yar, midda kalena marka ay u keento shaah wuxuu leeyahay macaaneey shaahaaga aad buu u macaan badan yahay.
taas iyo wixii la midka ah ayaa guryaha burburiya

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More