Gudniinka gabdhaha culimadii hore waxa ay ka qabaan

Su’aasha:

Gudninka gabdhaha dinta maxay kaqabta aduunka mela badan laga xarantimeyay xita Soomaaliya mela kamid ah waxaan arkay Culimo waaweyn OO kahadlay wa wajib ,wa suuno iyo wa muubax ayuu fikirkooda isku jiray marka ruuxii dhahaa wa xaraan xukunkiisa muxuu yahay .
Mida kale waxaa jira nin YouTuber ah Sheikh na ah waxyaalo badan ayuu sodiga bartisa tuusale hadi aad intano jeer tasbiixsatid, ayada aqridid faraxkan ayad heleysa maal farxad iyo waxyalo lamid ah xadiisna madalishada bal kwrn

Gudniinka gabdhaha culimadii hore waxa ay ka qabaan
Gudniinka gabdhaha culimadii hore waxa ay ka qabaan

Jawaabta:

Mas’alada gudniinka gabdhaha waa mas’alo qadiin ah culimadii hore ayaa isku khilaafay waxayna isugu khilaafeen inuu waajib yahay iyo inuu sunno  yahay ama inuu sharaf iyo maasuus dumarka u yahay.

Imaam Shaafici wuxuu qabaa in gudniinka gabdhaha uu yahay waajib, laakin lagama wado gudniinka ay soomaalida ku dhaqmaan oo ah gabadha in fircooni loo gudo ama laga tirtiro dareenka oo dhan wixii u keeni lahaa faruuraha yaryar iyo kuwa waaweyn.

Imaam Abuu Xaniifa wuxuu qabaa inuusan ahayn gudniinka gabdhaha waajib ee inuu sharaf iyo maamuus u yahay haweenka.

Culimada qaar waxay sheegeen in lala tashanayo dhalkhtar, gabdhaha kintirkooda si daran usoo dheeraado in la gudo kuwa aan sidaas ahayn layska dhaafo.

Laakin culimada muslimiinta hore qof ma jiro gudniinka xaaraan ka dhigay, culimada qaar hadda samankan xaaraanta ka dhigaya gudniinka haweenka waa culimo raacaya qorshaha gaalada ay soo dejiyeen, kuwaa waa culimo ka shaqaynaya raaligalinta gaalada.

Waxaad arkaysaa hay’daha gaalada inay aad xoogga u saaraan gudniinka gabdhaha waxayna la dagaallamaan dhaqanka islaamka suubban xagga gudniinka.

Midda kale qof ma jiro xaddidi karo inta jeer wax la akhrinayo aan ahayn Nabiga (SCW), qofkii aad aragto wax diinta aan ku sugnayn dadka u sheegaya waa qof bidco la yimid siiba marka uu sheegayo wax la xiriiro aayadaha iyo adkaarta iyo axaadiista.

Dadka sixirka ku dhaqma ayaa sidaas sameeya waxaana ay kasoo qaataan shayaadiinta.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More