Gudniinka fircooniga dambi miyaa sidee loo gudaa gabdhaha

Gudniinka fircooniga dambi miyaa sidee loo gudaa gabdhaha

Su’aasha:

scw walaal waxan maqlay gudniinka fircooniga in lagasoo gaaray fircoon arintaas maaa ka jiro haddii sidas ay tahay gudniinkaas dambi miyaa mise wax dhib ma laha?

Gudniinka fircooniga dambi miyaa sidee loo gudaa gabdhaha
Gudniinka fircooniga dambi miyaa sidee loo gudaa gabdhaha

Jawaabta:

Gudniinka fircooniga waa in laga gooyo gabadha kintirka iyo labada faruurood kuwa waaweyn iyo kuwa yaryarba markaas aayaa la tolayaa waxaa loo daayaa kaliya meel aad u yar, fircooni waxaa loogu bixiyay waxaa la sheegay samanka Fircoon inuu soo bilowday wuxuuna ku faafsan yahay dalka Masar iyo Suudaan iyo Soomaali iyo qeyb ka mid ah dalalka Afrika, gudniinkaas dhib weyn ayuu u geysanayaa gabdhaha dhibkaas wuxuu saameys ku yeelanayaa raaxadeeda iyo caafimaadka dhalmadeeda, diinta islaamkana dhibka ma oggola, dhibkana dambi ayuu soo jiidaa sida shareecada islaamka ay caddeysay.
Sida dumarka loo gudo xadiis ayaa kusoo arooray Abuu Daawuud wariyay, haweeney Madiina wax ku gudi jirtay ayaa nabiga (SCW) ku yiri:

(لَا تُنْهِكِي فَإِنَّ ذَلِكَ أَحْظَى لِلْمَرْأَةِ ، وَأَحَبُّ إِلَى الْبَعْلِ)  التخريج

(aad ha u jirin maxaayeelay taas ayaa u fiican naagta ninka loogu jecel badan yahay)

Culimada muslimiinta waxay sheegeen in laga gooynayo gabadha kintirka qeybta kore oo aan faruuraha yaryar iyo kuwa waaweyn aan la taabanaynin, mana la tolayo farjigeeda.

 

Gudniinka gabdhaha culimadii hore waxa ay ka qabaan

 

Pharaoh’s circumcision should be cut off from the daughter’s penis and both the big and the small fingers and then it should be sewn and left to only a very small place, Pharaoh was given it was said that the Pharaoh’s heaven began and is spreading in Egypt and Sudan and Somalia and part of African countries, This circumcision causes great harm to the girls and this problem affects her enjoyment and the health of her birth, and the religion of Islam does not allow the suffering, and the problem attracts guilt as the Islamic law has proven.

 

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More