Galmada jeexa dabada xaaska maku furmeysaa

Galmada jeexa dabada xaaska maku furmeysaa

Su’aasha:

Cabsi ayaan ka qabaa haduu ninka iga furmay iyo in kale wuxuu iga galiyay geedka jeexa barida duleelka futada ama dabada ma galin waxan maqlay ninka haduu xaskisa geedka ka galiyo dabada way ka furmeysaa waxan raba inaad iga jahilbixisaan arinkan.

Galmada jeexa dabada xaaska maku furmeysaa
Galmada jeexa dabada xaaska maku furmeysaa

Jawaabta:

Marka hore intaanan ka jawaabin su’aashaada waa inaan ogaanaa waxa laga wado galmada dabada oo ay ka hadleen culimada inay xaaraan tahay.

qeexitaanka galmada futada waa inuu ninka xubintiisa taranka galiyo duleelka futada waa in la eg madaxa xubinta taranka taas ayaa la dhahaa galmada dabada fiqi ahaan, laakin ninka hadduu geedkiisa ku salaaxo afka futada oo uuna madaxa oo dhan galin taas ma aha galmo, marka galmada axkaamta ka ratibmayso waa midaas aan soo qeexnay kutubta fiqiga way ka hadlaan wayna caddeeyeen, xataa mad’habka shaafici waad ka arkaysaa ninka hadduu wareega futada uu xaaskiisa xubinta ka saaro inaysan ahayn galmo, haddii sidaas la dhihi lahaa waxay ahaan lahayd xaraj, waayo ninka marka uu u galmoonayo xaaskiisa waa gaari karaa geedka madaxiisa wareega dabada siiba marka ay tahay galmada foorarka, marka taas waa sidaas.

Teeda kale oo ah galmada dabada xaaska maku furmeysaa, taas waan kasoo jawaabnay naagta ninka hadduu dabada uga tago kama furmeyso waxaan sheegnay inay culimada isku waafaqsan yihiin inaysan ka furmeynin, hadalka fuqahada si qaldan ayaa loo fahmay oo ah ninka markuu naagtiisa gadaal ka maro oo uu duleelka ka galiyo waa in laga furaa, ee ma aha way ka furmeysaa, illeen galmada waxaa loogu talaggalay cambarka ama farjiga sidaa awgeed naagta waa in laga furaa, marka qofka xaaskiisa sidaas ku sameeya waa inuu ka haraa oo uu ka towbad keenaa dambiga uu galay, barida jeexeeda ama labada hilib oo naagta barideeda lagu tiriyo hadduu ninka saaro xubintiisa xaaraan ma aha layskumana haysto, kitaab fiqi ka mid ah kurubta shaaficiyada hadalkan ayaa kusoo arooray:

(وَقَوْلُ الْإِمَامِ وَالتَّلَذُّذُ بِالدُّبُرِ بِلَا إيلَاجٍ جَائِزٌ كَالصَّرِيحِ فِيهِ وَخَالَفَ الدَّارِمِيُّ فَقَالَ بِحُرْمَةِ النَّظَرِ إلَيْهِ)

(Hadalka imaamka oo ah: in lagu raaxaysto dabada xaaska (barida) iyadoon la galinin way bannaan tahay waa sida hadal qeexan oo kale, oo ah in la fiirin karo cowrada xaaska, laakin waxaa khilaafay Aldaarimi wuxuuna yiri: waa xaaraan in la fiiriyo).

أسنى المطالب في شرح روض الطالب 3/113

Raaxada iyo istiinka barida rag badan ayaa kacsi ka dareemo marka waxay ka mid tahay raaxada labada is qabo ay sameyn karaan hadday rabaan, waa barida ee ma aha duleelka.

 

 

 

Axaadiis badan ayaa kusoo aroortay oo reebaya galmada gadaal waxaa ka mid ah:

(لايَسْتَحْيِي اللهُ من الحَقِّ ، لا يَسْتَحْيِي اللهُ من الحَقِّ ، لا تأتوا النساءَ في أَعْجَازِهِنَّ)

(أنَّ رجلًا سألَ النبيَّ صلَّى اللهُ عليهِ وسلَّمَ عن إتيانِ النساءِ في أدبارِهنَّ أو إتيانِ الرجلِ امرأتَهُ في دُبُرِهَا فقال النبيُّ صلَّى اللهُ عليهِ وسلَّمَ حلالٌ فلمَّا وَلَّى الرجلُ دعاهُ أو أمَرَ بهِ فدُعِيَ فقال كيفَ قلتَ في أيِّ الخُربَتَينِ، أو في أَيِّ الخَرَزَتَينِ، أو في أَيِّ الخَصْفَتَينِ أمن دبرِها في قُبُلِهَا فنعم أم من دبرِها في دبرِها فلا فإنَّ اللهَ لا يستحيى من الحقِّ لا تأتوا النساءَ في أدبارِهنَّ)

رواه النسائي وغيره

Galmada jeexa dabada haddii aysan ahayn galmada jeexa gudaha oo boqa saxarada kasoo baxdo taas lama dhihi karo waa galmada dabada maxaayeelay waxaa shardi ah marka uu galo jeexa dabada saxarada kasoo baxdo ee ma aha jeexa dabada barida ah.

 

Galmada dabada xaaska maku furantaa
Galmada dabada xaaska maku furantaa

Xaaska galmada foorarka maxay u diiddaa

 

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More