Galmada dabada xaaska maku furantaa

Does intimate relationship from behind lead to divorce?

Galmada dabada xaaska maku furantaa

Su’aasha:

Waxan qaba su’aal walwal igu hayso si qaldan ayan xaaskayga futada ugu galiyay guska iyaduna igama reebin waxyba igu tiri iga gali ku  wad dhaman ayaan wada galiyay shaydaan ayaa ii maceeyay waan ku waday ila an galmada ka dhameyo markan dhameeyay ayaan ka shallaayay xaaskayga waxay igu tiri waan kaa furmay aniga waan maqlay ninka xaskisa futaga uga tago xaskisa way ka faurmaysaa su’aashana waan ka xishoonayaa inaan dad weydyo fadlan jawaab degdeg i siya.

Galmada dabada xaaska maku furantaa
Galmada dabada xaaska maku furantaa

Jawaabta:

Galmada futada waa mamnuuc lama ogogola culimada madaahibta afarta way isku waafaqsan yihiin inaysan banaanayn, sidoo kale waxaa laysku waafaqsan yahay qofkii naagtiisa dabada uga tago inaysan ka furmaynin, waayo furiinka iyo galmada dabada iskuma xirna, qofka falkaas ku dhaqaaqo waa inuu ka towbad keenaa, ee xaaskiisa kama furmeyso taas waa sida culimada madaahibta afarta  ay qabaan, laakin dadka caamada ayaa waxay faafiyeen in ninka naagtiisa gadaal ka maro inay ka furmeyso taasna waxaa sabab u ah fahanka qaldan laga fahmay hadalka culimada qaarkooda ay dhaheen, ninkii xaaskiisa gadaal uga tago waa laga furayaa xaaskiisa, waayo wuxuu sameynayaa fal mamnuuc ah oo reeban, marka sida looga badbaadiyo gabadha dhibka ay leedahay galmada dabada waa in laga furaa, taas baa dadka qaarkii ay u qaateen inay ku furmayso falkaas kaliya marka uu dhaco. Dadka qaar foorarka ayay u maleeyaan in uu xaaraan yahay, taas xadiis ayaa kusoo arooray waana kan:

(كَانَتِ اليَهُودُ تَقُولُ: إذَا جَامعهَا مِن ورَائِهَا جَاءَ الوَلَدُ أحْوَلَ، فَنَزَلَتْ: (نِسَاؤُكُمْ حَرْثٌ لَكُمْ فَأْتُوا حَرْثَكُمْ أَنَّى شِئْتُمْ))  رواه البخاري

(Yahuuda waxay dhihi jireen hadduu ninka  naagtiisa gadaal kasoo maro (asoo farjiga galinaya) ilmaha waxay imaanayaan iyagoo weershe ah, waxaa soo degtay (Naagihiin waa beerihiina saad rabtaan ugu taga))

 

Xaaska galmada foorarka maxay u diiddaa

 

Galmada futada xaaska qofka haddii uu si qaldan u galiyo ama asoon ogeyn geedka uga taraaraxo taas wax dambi kuma laha qofka, xataa culimada madaahibta afarta agtooda laguma tiriyo qofka sameeyay galmada dabada.

Futada xaaska in loo galmoodo si ula kac ah taas ayaa la deeddan yahay, qofka waxaa laga rabaa inuu isla ilaaliyo, dumarka qaar sidaas ayay u diidaan galmada foorarka, waayo ninka markuu aad u kaco dabada inuu galiyo ayaa dhici karto marka uu foorar sameynayo, haddii ay naagta leedahay futo dabacsan.

Dhaqanka soomaalida aad buu uga fog yahay dumar in gadaal laga maro, waa dhaqan aan laga aqoonin soomaali.

Laakin marka ay dumarka tageen yurub ama dalalka carabta waxay arkeen dhaqamo kale.

Dhaqamadaas oo kala duwan xagga cuntada iyo gogoshaba, waxaa ka mid ah galmada dabada.

Sida la og yahay aadanaha wuu isku daydaa dhaqamada way laysu gudbiyaa, marka soomaalida qaar ayaa hadda falkaas sameeya.

Xataa waxaa la sheegay dumarka qaar inay barteen galmada gadaal.

Xaaska maku furantaagalmada dabada
Xaaska maku furantaa
galmada dabada

Sex with the unaus  is forbidden. It is not known that the scholars of the four monasteries agree that it is not free, and it is also agreed that the person who leaves his wife’s tail should not divorce her, for divorce and anal sex are not related to each other. The person who commits this act must repent, and not his wife. This is how the scholars of the four monks have. But the common people have spread that the man who goes behind his wife to divorce her is due to the misunderstanding of the statement of some scholars who said, “The man who leaves his wife behind is divorced from his wife, for he does an act forbidden and forbidden, when how to save the girl from the trouble of having anal sex must be divorced.” This is what some people have assumed to be an opening to that act only when it happens

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More