Riyada kufsiga waa maxay fasirkeeda
Su’aasha:
Asc waxan rabaa inad Riyo ii fasirtaan waxan ku riyooday anigoo guri dhexdiis hurdo kadibna uu nin ii soo galay wuxu igu bilaabay inuu I kufsado wajigiisa ma qiyaasi karo waxan isku dayayaa inan iska celiyo lakin awood badan ma lihi Ninka wuu I aflagaadeynayaa isagoo I dhahaya inan ahay qof aan faiido laheyn oo nacas ah guriga uu isku dayayo inuu ugu kufsado waxa jooga eey iska miskiin ah xitaa eeyga ayuu garacaya waliba wax eeyga ilmihisa u eg ayuu dilaya lakin eeyga si toos ah isagama celinaayo ninkii aniga ayuu I kufsaday kadibna wuu iska baxay aniga mesha laygu kufsaday ayan wali jooga waxay u ektahay inuu mesha igu haysto lakiin albaab iyo meel aan ku xiranahay ma arko kadib waxan isku dayayaa Inan ka aarsado oo aan u dhuunto si aad wax culus ugu dhufto Lkn marku soo laabtay aan islahaa ku dhufo ayan salaadii fajr u kacay.
Run ahaantii aad ayan u murugooday riyadaas markan ka kacay waan iska ooyey:(
Thanks

Jawaabta:
Riyadan waxay tilmaamaysaa inaad la kulmi doonto dhibaatooyinka sumcaddaada wax gaarsiin kara dhan kaste ha noqdaan adigoo aan dareemaynin oo ka hurdaya dhibkaas , dhibaatadaasna qofka kuu geysanayo waa qof aan akhlaaq lahayn sidoo kale waxay tilmaamaysaa dadka aad isku halaynayo inaysan kuu hiilinaynin taasna waxaa tilmaamaya eeyga oo aan ku difaacaynin bl isagaaba la garaacayaa oo aan awood lahayn.
marka riyada waa digiin dad cadow ah oo xumaan kuu maleegaya ayay tilmamaysaa.
Ilaah baa og, sharta riyada Ilaahay hakaa ilaaliyo
Gabar Ku Riyootay Iyadoo Nin Kufsan Rabo Lakin Walaasheeda Kufsaday
Riyada Oo Gabar Nin Ka Rabto Inuu Ka Sinaysto
This dream indicates that you will encounter problems that can harm your reputation, even if you do not feel it and are sleeping through it. The person who is causing you this problem is an immoral person. It also indicates that the people you trust will not support you. This is indicated by the dog that does not defend you and is immediately beaten and is powerless.
So the dream is a warning about enemies who are plotting evil against you.
God knows, the meaning of the dream is that God protects you.
