Gabar aan jeclaa baa leyga guursaday

Su’aasha:

Asc daruur gabar aan jeclaa baa leyga guursaday gabarta aad ban jeclaa iyadoo yar baan is baranay 100% 100 ayan jeclaa iyada sidokale 2 sano ban xiriir aad u fcn laheen lkn khadka ayan iska baranay walina isma arag anigana dibada ayan jogaa iyadana wadankii ilaa hada oo laqabo wan jclhy iyadana sidokale talo fcn isiiya thanks.

Gabar aan jeclaa baa leyga guursaday
Gabar aan jeclaa baa leyga guursaday

Jawaabta:

Mar haddii la guursaday waxaa kuu fiican inaad go’aan ka qaadato, maxaayeelay waxay noqotay naag la qabo mana kuu banaana inaad la sheekaysato oo aad la xiriirto ama aad guur u bandhigto.

Teeda kale jacaylka aad sheegayso waa ka helitaan, farqi weyn ayaa u dhexeeya jacaylka dhabta ah iyo ka helitaanka, qofka si dhab naagta wuxuu u jeclaanaa markuu guursado, maxaayeelay wuxuu la kulmayaa xaaladaheeda oo dhan iyadoo jiif kasoo kacday oo wejiga aan dhaqanin, iyadoo dhar caadi ah wadato, iyadoo faraxsan iyo xanaaqsan iyadoo dhergan iyadoo gaajo haysa, xalaadahaas oo dhan markaad ku aragto xaaska oo aad jeclaato taas waxay ka dhigan tahay naagtaas inay mudan tahay in la jeclaado, laakin gabar banaanka aad kala joogtaan marka aad la kulmayso ay iska dhigayso gabadhii adduunka ugu fiicnayd ugu dulqaad badnayd wax kaste oo fiican ay kuu muujinyaso iyadoon saas ahayn markaad guursato oo aad guriga keento qoftiiba ma aha.

Marka waxaan kula talinayaa iska illow niyaddaada ka saar nolol cusub bilaabo, wuxuu yiri saxaabigii weynaa Cabdullaahi bin Mascuud (RC):

(إذا أعجبت أحدكم امرأة، فليتذكر مناتنها)

(Midkiina hadduu naag ka helo hasoo xuusto meelaha ay ka xun tahay)

Taas oo laga wado qofka inuu eego dhinacyo kale oo naagtaas ay lahaan karto, ee kaliya ma aha inaad fiiriso hadalada ay ku dhahayso, teeda kale naag oggolaatay nin kale inay guursato iyadoo sheeganayso inay adiga ku jeceshay maxaad uga daba dhareeraysaa, waalidkeeda ayay ku dhihi kartay ninkaas ayaan rabaa ha laygu daro, xataa haddii loo diidayo go’aankaas ayay ku dhagi lahayd.

You might also like
7 Comments
  1. Riyada qof bukaan ah oo caafimaaday
    Legendary king says

    Maxaa dhacay oo loo xiray qeybta su’alaha

    1. Riyada qof bukaan ah oo caafimaaday
      Daruur says

      lama xirin kaliya waxaa su’aal soo diri kara qofka webka sika diiwan galiya halkan iska diiwaan gali sameyso user name iyo password https://daruur.com//gal/?action=register

  2. Riyada qof bukaan ah oo caafimaaday
    Daadir yare says

    Taladiina wacan wad ku mhdsnthn

    1. Riyada qof bukaan ah oo caafimaaday
      Daruur says

      Adaa mudan sow dhowow fadlan share ha illawin

      1. Riyada qof bukaan ah oo caafimaaday
        Daadir yare says

        Qeebta suaalaha wey iga xirinyhn maxa qaldan

        1. Riyada qof bukaan ah oo caafimaaday
          Daruur says

          hadda waa la furay

          1. Riyada qof bukaan ah oo caafimaaday
            Asad says

            suaal baan soodiray welina ma arkin jawaab

Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More