Gabadha xun sida lagu ogaado

Su’aasha:

Marka hor ad ayad u mahadsan tihin marka labad waxan jeclahay gabar qarabo nahay iyaduan way i jeceshay lakin qof iayada si fican u taqaano ayaa igu tiri gabadhaas waa xun tahay kuma qalamyso rag kal ayay wadaa oo facebook ayay ugu raaxaysaa raga aniga waxaan u qaatay gabadhan inay been i shegayso waso arkay ayay leedayay inaas tahay marka su’asha an qabo waxay dumarka maxaa lagu gartaa inay xun yihiin gabadhan malaga yabaa inay tahay gabar been laga sheegayo fadlan jawaab degdeg aan idinka rabaa.

Gabadha xun sida lagu ogaado
Gabadha xun sida lagu ogaado

Jawaabta:

Adduunka waxa ugu adag qofka mustaqbalkiisa waa guurka, haddii uu guurka hore kaa hallaabo way adag tahay inuu kuu tooso guurka kale,

marka hore gabadha aad leedahay waan jeclahay oo aad qaraabada tihiin waxaa dhici karto in been laga sheegayo waayo naag nimanka camera u shideyso ama la raaxaysanayso maba qarsoomayso hadalkaas haku degdegin waxaa kaloo dhici karto haweenka inay iska kala masayraan marka oo ay been iska sheegaan ha degdegin.

Naag xun ma qarsoonto astaamaha naagaha xunxun lagu garto aad bay u badan yihiin.

waxaa ka mid ah:

xishood la’aanta iyo dhex boodka raga ama naagta inay is asturin ama hadalo xishood lahayn inay ku hadasho  ama inay been badan tahay ama lacag jeceshay ama inay kibir badan tahay ama ay tahay naag seegseeg ah ama areebo ah oo meel kaste lugteeda dhigayso ama naag xaasid inay tahay.

naagta sidooyinkan leh nin guri uma dhaqi karto, waa naag dareen naxariis aan u yeelanaynin ninkeeda ama ilmaha ay dhali doonto.

Hablaha xunxun ma qarsoomaan, marka iska hubi intaadan guursanin dad badan waryso si fiican u ogow xaaladda gabadha aad rabto inaad guursato.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More