Gabadha sinada lagu dhalay aabeheed miyey guursan kartaa?

Su’aasha:

Nin iyo naag baa isku tagay si sharci darro ah halkaas uur baa ka soo baxay naagtii waxay dhashay gabar gabadhiina wey weenaatay marka gabadhaas aabihii xaaraanta ku dhalay ma u banaan yahay guurkiisa waxaan sheeko ku maqlay in ninka owlaadiisa haduusan sharci ku dhalin ama guur ku dhalin inay u banaanyihiine bal arintaas ii faa ideya.

Gabadha sinada lagu dhalay aabeheed miyey guursan kartaa?
Gabadha sinada lagu dhalay aabeheed miyey guursan kartaa?

Jawaabta:

Ninka ma u bannaana haddii uu gabar sharci darro ku dhalo inuu guursado, maxaayeelay waa gabadhiisa dhabta ah oo dhiiggiisa ah xataa haddii aan loo oggolayn magaciisa inuu siiyo ama uu sheegto.

Taasna waxaa qaba culimada muslimiinta badankooda.

Imaam Shaafici waxaa laga sheegay inuu qabo qofkii naag ka sinaysto oo ay gabar u dhahso gabadha ay u dhashay naagtaas waa guursan karaa, maxaayeelay biyaha ninka dhillayga wax xurmo ah ma laha, waxaa lagasoo qaadayaa inaysan gabadhiisa ahayn.

Laakin waa laga xoog badan yahay hadalka imaam Shaafici waxaa ka xoog badan culimada muslimiinta kale sida Abuu Xaniifa iyo Maalik iyo Axmed iyo kuwo kale badan, sidey qabaan oo ah inuusan guursan karin ninka gabadha sinada uu ku dhalay, dalkiilkooda ayaa ka xoog badan waxa Shaafici uu haysto:

Maxaayeelay gabadha aad sinada ku dhashay waa gabadhaada mana guursan kartid gabadhaada.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More