Eeyga in la dilo diinta islaamka maxay ka qabtaa

Su’aasha:

Asc Daruur,, ugu horrayn waxan idiinka mahadcelinaya jawaaabaha faahfaahsan ee aad ka bixisaan su,aalaha aan idin soo waydiiyo/waydiinno, wakhtiga aad galisaan ilaahay ha idiin barakeeyo cilmigana ha idiin ziyaadsho. Bacden su aashaydu waxa weeyaan; meheraddayda ganacsiga horteeda eeyo 🐕 farabadan ayaa hor fadhiisata jidkii iyo wadadii la marayay ayay cidhiidhi kadhigeen mararka qaar meel la iisoo maro ayaa lawaayayaa sidoo kalena meheradda igu dhagsan. Aniga iyo ninka iskaleh meheraddaa igu dhagsan ayaa waxaan ku tashannay inaan sumayno bakhtigoodana aanu gaadhiga qashinka saarno lkn hadana aniga way ilayara fiicnaan wayday arrintaasi marka maxaa talo ah? Hadii sidaa aanu samaynno danbi miyaanu galaynaa?

Eeyga in la dilo diinta islaamka maxay ka qabtaa
Eeyga in la dilo diinta islaamka maxay ka qabtaa

Jawaabta:

Eeyga hadduu yahay eey dadka cunaya ama dadka qaniinaya oo carruurta ceyrsanaya culimada muslinka waxay oggol yihiin in la dili karo iyagoo cuskanaya axadiis ku soo aroortay arrintaas, wuxuu yiri rasuulka (SCW):

(خمسٌ منَ الدَّوابِّ كلُّهنَّ فاسقٌ يُقتَلنَ في الحلِّ والحرمِ الْكلبُ العقورُ والغرابُ والحدَأةُ والعقربُ والفأرةُ)  المصدر

(Shan nafleyda ka mid ah dhammaantooda waa faasiq waa la dilayaa waqtiga xaramka aan la joogin iyo waqtiga la joogoba, eeyga wax qaniina iyo tukaha iyo dafada iyo dibqalooca iyo doolliga (jiirka).

Laakin haddii eeyga uusan dadka qaniinin ama uusan ahayn eey jidadka aan laga mari karin way isku khilaafeen culimada muslinka qaar waxay qabaan eeyga waa dugaag waana la dili karaa qaarna waxay qabaan eeyga lama dili karo hadduusan dadka dhib u geysanaynin.

Marka adiga haddaad awooddo eeyaha meeshaas indinku dhibaya inaad iska fogeyso oo aad eryiso way fiican tahay haddii xal kale loo waayo waa la dili karaa sun waa la siin karaa, laakin waxaa ka fiican in si kale laysaga fogeeyo  oo aan dil ahayn.

 

Maxaa carfiyo afka uraya

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More