Dunida jihaad Maka jiraa
Su’aasha:
Asc Bahda Daruur waxaan doonayaa inaan idin waydiiyo fadwo Diini oo Xasaasi ah
Wadamada islaamka 99% Dastuur uma ahan Diinta iyo Kitaabka qur’aanka Taas bedelkeeda Xeerar bini aadamku sameystay ayaa marjic u ah Xeerarkaas ayaana bulshada islaamka lagu kala xukmiyaa Marka Laga Reebo in Dastuuradaas aadmigu Sameeyey aas aas looga dhigo Diinta islaamka Taasina waa ihaano loo geysanayo Kitaabka ilaahay maadaama Xukunka ilaahay darajada labaad Laga dhigay oo Kan bini aadamku Sameeyey uu yahay midka mudnaanta koowaad leh Sidoo kale Dadka islaamka ah 25% oo kaliya ayey ka yihiin bulshada caalamka Taas oo ka dhigan in afar meelood Saddex meel kamid ah bulshada caalamka ay yihiin dad aan haysan diinta islaamka sidoo kalana lagu tumanayo wadamada islaamka oo Diin ahaana loo takoorayo dadka islaamka ah Argagaxiso iyo meel ka dhacyo aysan u qalmina loo geysanayo awood ahaana Laga awood badan yahay Hadaba iyadoo la eegayo dhamaan Dhibaatooyinka aan Soo sheegay Laguna dabaqayo Kitaabka iyo axkaamta islaamka Waajib Diini ah ma tahay in dunida Jihaad looga dhawaaqo masa jirtaa meel dunida kamid ah oo waqti xaadirkan uu Ansax ka yahay Jihaadka.
