Dugaag dadow halkaan ka baro

Somali waa dal barwaaqo ah laakin dadkiisa waayay, waa dal deeq ay ka buuxdo laakin doqon deegaan u noqday.

Dugaag dadow halkaan ka baro
Dugaag dadow halkaan ka baro

Dalkaas maanta haddii ay la lahaan lahaayeen dad badan dunida ku nool darajo ayuu gaari lahaan dandaradan dulliga ah kuma dirqisnaan lahayn.

Dadka soomaaliyeed ma aha dad garanaya danahooda meesha ay ku jirto, waxay u dareeraan sida dugaagta duurka degan.

Dalfeef iyo damiir la’aan ayay dugsadaan danyeerada ayay la daaqaan tolow ma aragtay dal ay ku nool yihiin dad walaalo ah oo haddana darbiyada laysu taagan yahay si laysu dardaro oo dugaag oo kale laysugu duufo, damac dartiina doolar iyo deeq laysaga dafo.

Dad darajaxumidaas deeqday miyaa la dhihi karaa diin ayay haystaan.

Dabcan dadka soomaaliyeed way ku jiraan dad dahab ah laakin dadka u badan waa nacan.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More