Shaxaadka maxaa ku saliday Soomaalida
Dalalka waxa ay ku hormaraan oo ugu muhimsan waa beeraha iyo deeqda badda.
Umadda marka ay ka adkaato cuntadeeda ayay gaari kartaa madaxbanaanaan.
Tusaale ahaan soomaali waa dal hodan ah dhinaca beeraha iyo dhinaca xoolaha iyo dhinaca khayraadka badda.

Laakin ilaa iyo hadda ma garanayaan dadka sidey uga faa’idaysan lahaayeen nimcada Ilaahay siiyay.
Qoloda siyaasada sheegato waxay u haystaan talada inay tahay in taay la xirto oo madax la noqdo qabiilka loo gargaaro.






Dadka soomaaliyeed si kaste ay dibadda usoo aadeen kama aysan faa’idaysanin waxaan ahayn shaxaad casriyaysan.
Qofka soomaaliga ma aaminsana wax shaqo la yiraahdo wuxuu aaminsan yahay inuu ku noolaado shaxaad iyo tuugsi, dadka Yurub maxay ku jeclaadeen waa shaxaadka iyo ceyrta lagu nool yahay, taas ayaana lagu faanaa.
Haddii dadka soomaaliyeed ay aaminsanaan lahaayeen nolosha in lagu gaarayo shaqada maanta soomaali meel weyn ayay ka taagnaan lahayd adduunka.
Lacag badan ayaa lagu bixiyaa leen yurub si loosoo tuugsado taas yaa is weyddiiyay!.
Qofkii yiraahdo shacabka soomaaliyeed waa shacab ku nool dawarsi iyo qaaraan hadalkiisa waa sax, taasna maba qarsoona bal dad ayaaba shaqo ka dhigtay inay kusii tuugsadaan dadka tabaalaysan.
Countries progress in the most important areas, namely agriculture and marine resources.
When a nation overcomes its food shortage, it can achieve independence.
For example, Somalia is a rich country in terms of agriculture, livestock, and marine resources.
But until now, people do not know how to benefit from the blessings that God has given them.
Political parties believe that the one who is arrested and becomes the head of the clan should be helped.
Somalis have not benefited from any way they have gone abroad, except as a modernized person.
A Somali person does not believe in any kind of work, he believes in living by begging and begging, what Europeans love is the begging and welfare that they live on, and that is what they are proud of.
If Somalis believed in life by working, today Somalis would have a great place in the world.
A lot of money is spent in Europe to beg, who asked that!.
Whoever says that the Somali people are a people who live on begging and charity is right, and it is no secret that people have made it their job to beg for the poor.
