Diinta iyo maslaxadda guud ee umadda

Dadka waxaa ka dhexeeya dano guud ah, ma jiro qof gaar u noolaan kara, diinta islaamka waxay hagtay sida dadka ay u dhaqmaan waxay u jideysay qawaaniin iyo sharciyo kala duwan oo lagu hagayo adeegga dadweynaha iyo bulshada.

Diinta iyo maslaxadda guud ee umadda
Diinta iyo maslaxadda guud ee umadda

Aayadaha halkaan aad ku arkayso waxay tilmaamayaan axkaamtaas qiimaha badan ee islaamka dadka faray:

Wuxuu leeyahay Alle (SW):

(وَتَعَاوَنُوا عَلَى الْبِرِّ وَالتَّقْوَى وَلَا تَعَاوَنُوا عَلَى الْإِثْمِ وَالْعُدْوَانِ)

(Isugu kaalmeeya samaha iyo dhawrsiga hana isugu kaalmaynina dambi iyo colnimo)

Ilaahay uma soo dirin nabi iyo rasuul inuu wanaag u keeno dadkiisa mooye isagoo aan ka sugeynin ijaar ama dan adduunyo, Alle wuxuu leeyahay:

(وَيَا قَوْمِ لَا أَسْأَلُكُمْ عَلَيْهِ مَالًا  إِنْ أَجْرِيَ إِلَّا عَلَى اللَّهِ)

(Qoomkayow idinka warsan maayo xaqa ujuuro ujuuradayda waxaan uun ka mutaa Alle), wuxuu yiri asoo ka hadlaya nabi Huud – Ilaahay nabadgelyo korkiisa ha yeelee -:

(يَا قَوْمِ لَا أَسْأَلُكُمْ عَلَيْهِ أَجْرًا إِنْ أَجْرِيَ إِلَّا عَلَى الَّذِي فَطَرَنِي أَفَلَا تَعْقِلُونَ)

(Qoomkayow idinka warsan maayo xaqa ujuuro ujuuradayda waxaan uun ka mutaa Allaha i abuuray ee miyeydaan wax kasayn), waa kanaa khaliiluraxmaan Ibraahim – nabadgelyo korkiisa ha haatee -Ilaahay ugu tadarucaya duco caddeynaysa siduu ugu dadaalo waxtarka dadka iyo khayrka inuu u daa’imo isagoo leh:

(رَبِّ اجْعَلْ هَذَا بَلَدًا آمِنًا وَارْزُقْ أَهْلَهُ مِنَ الثَّمَرَاتِ مَنْ آمَنَ مِنْهُمْ بِاللَّهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ)

(Rabbiyow ka yeel baladkan (Maka) Aamin igana dheeree ani iyo caruurtayda inaan caabudno sanamyada)

wuxuu leeyahay Alle:

(هُوَ أَنْشَأَكُمْ مِنَ الْأَرْضِ وَاسْتَعْمَرَكُمْ فِيهَا)

(Isagaana idiinka ahaysiiyey dhulka idinkuna camiray dhexdiisa), wuxuu leeyahay Alle:

(وَلَا تُفْسِدُوا فِي الْأَرْضِ بَعْدَ إِصْلَاحِهَا)

(Hana fasaadinina dhulka inta la wanaajiyay kadib)

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More