Daawada Titan Gel oo xubinta ninka weynaysa

Daawada Titan Gel oo xubinta ninka weynaysa

Daawada Titan gel waa daawo xoojiSa hormuunka raga oo loo yaqaano “Testosterone” waxaana loogu talagalay in lagu weyneeyo guska iyo inuu si xoog u taagmo iyo inay siyaadiso shahwada nimanka “manida”.
Daawada waxay u shaqaysaa qaab ah jirka inay siiso nisbo weyn oo ah “nitric oxide”, kasoo siyaadiya hormuunka Testosterone, sidoo kale wuxuu kordhiyaa qolqolka dhiiga oo uu usoo qolqolaya guska, tasoo keenaysaa muddo dheer inuu taagnaado.
Sidoo kale wuxuu awood u yeelanayaa inuu nafaqada qaato, sidoo kale wuxuu ballaariyaa maqaarka markaas ayuu noqonayaa geedka ninka mid koraya.

Daawada Titan Gel oo xubinta ninka weynaysa
Daawada Titan Gel oo xubinta ninka weynaysa

Sida la ogyahay xubinta taranka ninka waxay leedahay labo god oo aadaya madaxa geedka waxay leeyihiin seedo si isbuunyada oo kale ah oo dhiigga qaadan kara markaas dhumuca wuu weynaanayaa, iyagaa qaabilsan weyneynta guska.
Daawada Titan Gel waxay weynaysaa labadan god marka taas waxay keenaysaa inuu guska weynaado, laakin saameyntan waxay ku eg tahay marka qofka adeegsanayo hadduu iska daayo sidiisa ayuu kusoo noqonayaa geedka.

Sidoo kale daawada waxay ku caawinaysaa in dareenka soo gaaro xubinta taranka taasoo soo dedejisa kacsiga, qaska ayaa marka buuxsama “pelvic congestion” taasoo ninka dareensiisa qooq daran, waxay u eg tahay qofka marka ay kaadi hayso wuxuu dareemayaa subaxdii kacsi xoog badan geedkiisa maba damo.

Waxyaalaha ay ka kooban tahay daawada Titan jel

1- geed loo yaqaano afka english: “Ginkgo Biloba” waxaa loo adeegsadaa in lagu weyneeyo geedka ninka. wuxuu siyaadiyaa taagnaanta geedka iyo qolqolka dhiigga.
2- “Oyster extract” oo ah nafaqo dadka kacsi daran u keenta wuxuu wataa Vitamin 6 wuxuu dhaliyaa hormuunka “Testosterone” sidoo kale wuxuu xoojiyaa guska.

3- Sanjabiil: sida la og yahay sanjabiisha waxaa ku jirto maadda lagu magacaabo “gingerol” oo keenaysa kulayl u eg kulaylka ka dhsha galmada ama kacsiga raga iyo dumarka waxay u kordhisaa dareenka.
4- dhir lagu magacaabo “Muira puama” waxaa loo adeegsan jiray lagasoo bilaabo waa hore kicinta shahwada gaar ahaan dalka Brazil ayaa aad looga yaqaanay.

5- Ashid lagu magacaabo “L-arginine” wuxuu siyaadiyaa qolqolka dhiiga wuxuu waasiciyaa dhigmareenada oo soo aadaya xubinta taranka.

6- geed lagu magacaabo “Epimedium” waxaa loo adeegsadaa siyaadinta kacsiga iyo badinta dhacaanka borostaatada iyo badinta biyaha ninka waxaa laga yaqaanaa dalka China.

7- geed lagu magacaabo: “Milk thistle” oo loo adeegsado in dareenka raga iyo dumarka lagu kiciyo wuxuu ku kordhiyaa dhiigga hormoonka “Testosterone
8- waxa lagu magacaabo “Lichen” oo u eg cagaarka biyaha ka dhasho marka ay meel ku daahaan wuxuu siyaadiyaa socodka dhiigga.

Ma runbaa Titan Jel inuu geedka raga weyneeyo?

Webyo badan ayaa sheega inuu weyneeyo geedka ninka, wuxuu weynayn karaa afar toddobaad gudahooda afar sinti in la eg.
laakin sida muuqata sax ma aha.

weynaantaas ma aha mid joogto ah kaliya waxay ku eg tahay xiliga galmada socoto taasna waxaa sabab u ah waxyaalaha ay ka kooban tahay daawada oo aansoo sheegnay waxa ay qabtaan.
Wax ka fiican ma jiro qofka inuu adeegsado waxyaalaha dabiiciga ah oo aan kiimika lagu darin.
tusaale ahaan saliid seytuun ama saliid macsaro marka sanjabiil lagu karkariyo oo geedka mar walbo lagu daliigo waxay keenaysaa inuu ballaarto wax dhibaato ma laha.
Titan jel dadka adeegsaday waxay ka sheegeen inuu qofka daciifi doono kacsigiisa muddo kaddib.
marka waxaa habboon in laga fogaado daawooyinka shirkadaha ay xayaysiiyaan oo ay kusoo jiitaan raga, inta badan waxay ku dhisan yihiin dan ganacsi.

Malabka Macun waxa uu u taro raga iyo dumarka

وحكى الأصمعي قال: ضلت لي إبل، فخرجت في طلبها، وكان البرد شديدا، فالتجأت إلى حي من أحياء العرب، وإذا بجماعة يصلون وبقربهم شيخ ملتف بكساء، وهو يرتعد من البرد وينشد:
أيا ربّ إن البرد أصبح كالحا … وأنت بحالي يا إلهي أعلم
فإن كنت يوما في جهنم مدخلي … ففي مثل هذا اليوم طابت جهنم
قال الأصمعي: فتعجبت من فصاحته، وقلت: يا شيخ أما تستحي تقطع الصلاة وأنت شيخ كبير، فأنشد يقول:
أيطمع ربّي أن أصلّي عاريا … ويكسو غيري كسوة البرد والحرّ
فو الله لا صليت ما عشت عاريا … عشاء ولا وقت المغيب ولا الوتر «5»
ولا الصبح إلّا يوم شمس دفيئة … وإن عمّمت فالويل للظهر والعصر
وإن يكسني ربي قميصا وجبّة … أصلي له مهما أعيش من العمر
قال: فأعجبني شعره وفصاحته، فنزعت قميصا وجبّة كانا عليّ ودفعتهما إليه، وقلت له: البسهما وقم، فاستقبل القبلة، وصلّى جالسا وجعل يقول:
إليك اعتذاري من صلاتي جالسا … على غير طهر موميا نحو قبلتي
فمالي ببرد الماء يا رب طاقة … ورجلاي لا تقوى على ثني ركبتي
ولكنني استغفر الله شاتيا … وأقضيكها يا ربّ في وجه صيفتي
وإن أنا لم أفعل فأنت محكم … بما شئت من صفعي ومن نتف لحيتي
قال: فعجبت من فصاحته، وضحكت عليه وانصرفت

You might also like
2 Comments
  1. Xubinta raga maxaa jilciya maxaase lagu daaweeyaa
    Khalid says

    Side u helikara daawada

    1. Xubinta raga maxaa jilciya maxaase lagu daaweeyaa
      Daruur says

      daawada annaga ma hayno waxaad ka heli kartaa baan filayaa farmashiyaha ama meelaha lagu gado daawooyinka xoojiya awoodda jirka

Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More