Daawada Retinoid cream finka wax Maka tartaa

Su’aasha:

Asc waxaan in mudo ah raadinayey dawooyin aad Soo qorteen oo finka u wanaagsan balse waan waayey Waxaan isticmaalay Daawo Kareem ah oo lagu magacaabo Retinoid cream habeenka u horeysay aan marsaday waxaan dareemay in finka igu sii saaideen hadana maalin kadib Waxaan dareemay in finka iga yaraaday waxaan ku wareersanahay waxtarka daawadan.

Daawada Retinoid cream finka wax Maka tartaa
Daawada Retinoid cream finka wax Maka tartaa

Jawaabta:

Daawada Retinoid cream waxay wadataa vatimin A waxaana loo adeegsadaa in lagu daaweeyo fin doobka iyo maqaarka dadka waayeeloobay inay kaduudka ka tirtirto, sidoo kale nabraha madaxa kasoo baxo inay daaweyso, dadka qaarkooda waxaa laga yaabaa inay xasaasiyad ka qaadaan.

Waxaa dhici karta inay u kordhiso fimanka ama nabraha  inay kasii daraan, sidoo kale meesha la mariyo inay qalayl ka dhigto, dumarka uurka lehna inay saameyso uurjiifkooda, mararka qaar gibilka ayay bararisaa ama ay guduudisaa ama balbal ayay u keentaa, taas daawooyinka qaar way keenaan, dadka qaar way dhibaan, sidaa awgeed waxaa fiican in dhakhtar kuu qoro.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More