Da’a ahan ninka goorma u wanagsan inuu guursado

Su’aasha:

Da’a ahan ninka goorma u wanagsan inuu guursado aniga hada waxbarashada Aya kujira waxaan Jira 22 sano high school Ka Waxaan dhameyni 24 ano Jira iyo 4sano jamacad ah iyo shaqo 28sano hadaan kuguursado ma qof weyn Ayan ahay Oo doobnimo kuheynaday Ayan noqonaya.

Da'a ahan ninka goorma u wanagsan inuu guursado
Da’a ahan ninka goorma u wanagsan inuu guursado

Jawaabta:

Guurka wuxuu u noqonayaa arrimo badan oo la xiriira masuuliyad iyo caqli, qofka marka uu qaangaaro wuxuu u baahanayaa naag caadi ahaan laakin inuu guursado waxaa ka horreeya arrimo badan oo ay ka mid yihiin inuu waxbarto inuu shaqeysto oo guurka isu diyaariyo taas dadka way ku kala duwan yihiin qofba waa si qof waxaa jira asoo waxbaranaya guursan karo oo laga yaabo waalidkiisa inay rabaan inay caawiyaan, oo ay duruufaha u saamaxayaan, marka kuma xirna da’ gaar ah, qofka hadduu masuuliyad qaadi karo oo uu naag dhaqi karo oo uu shaqaysan karo waxaa u fiican inuu guursado ha jiro 20 sano ama 25 sano ama 30 sano, kaliya waxaa aad u foolxun qof shaxaad ku nool inuu naag si degdeg ku guursado asoon eegin natiijada ka imaan karta oo furiinka iyo kalayaaca qoyska. Imisa gabar oo yar garoob laga dhigay imisa nin ilmahooda iska tuuray waxaas oo dhan waxaa keenay guurka aan laga fiirsanin oo qofka aan mas’uuliyad qaadin.

 

Waxaan ahay gabar 19 jir saxarada ma ceshan karo waxaana sabab u ah arintan

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More