Site icon Daruur درور

Cuntada dhaqsi loogu buurto oo ah digaag iyo baradho

Cuntada dhaqsi loogu buurto oo ah digaag iyo baradho

Aqoonyahannada cuntada waxay isku raaceen cuntada ah baradhada saliidda lagu dubay iyo digaaga sidaas ah inay ka mid yihiin cuntooyinka dhaqsi u cayiliyo jirka.

Cuntada dhaqsi loogu buurto
Cuntada dhaqsi loogu buurto

dadka buuran maraykanka waxaa la sheegay inay cuntada sidaas ah ay cunaan.
makhaayadaha badankooda waxay sameeyaan digaag iyo baradho waa cuntdada degdeg ah.
laakin aad bay uga sheeganayaan dhakhaatiirta qaabilsan cuntada.
waxaay la sheegay dhalinyarada adduunka inay maanta lagu tirin karo kuwa miisaan badan leh taasoo keenaysa qofka buuran in caafimaadkiisa khatar galo.
jirrooyinka waabtooda waa cayilka xadka ka baxsan, qofka ma istaagayo cayilkiisa marka uu cuntadadan isku wado.
maxaayeelay digaaga isagoo ahaa mid burutiin leh waxaa lagu dubay saliid sidoo kale baradhada aad bay burutiin badan tahay sidoo kale iyadana waxaa lagu dubay saliid marka dufinta badan waxay keenaysaa jirka inuu dhaqsi ku cayilo baruur badan yeeshao.
caloosha ayay ka weynaadaan dadka cuna cuntada degdega sida digaag shiiln iyo baradho duban.
waxaa lagu tiriyaa cuntooyankan inaysan ahayn kuwa jirka caafimaad u kordhiya waxaa laga yaabaa inay usii kordhiyaan cudur daran.
illeen cudurada dhammantooda waxay inta badan ka dhashaan cayilka jirka siiba caloosha xabadka.

Dumarka ayaa aad u cayilan marka loo eego raga, maxayeelay iyaga inta badan ma aha kuwa sida rag oo kale u shaqeeyo ama u socdo.
gabadha marka ay raashin cunto guriga ayay u badan tahay shaqo badan ma qabto daal badan keenaysa sida wiilka oo kalwe .
nimanka inta badan bannaanka ayay aadaan dadaal badan ayay bixyaan.
Dadka raadiya cayilka waxaa habboon inay raadiyaan cunto aan dhib u keenyeynin caafimaadka jirka. waxaa kaloo xudid mudan in soomaalida ay aad u raadiyaan cuntada lagu cayilo ama lagu naaxo sababaha raga ay ku cayilaan iyo gabdhaha guurka cayilka yuu u keenaa haweenka ama nimanka raadinta Google ayay ku badan tahay.

 

Jirka dufinta uu u baahan yahay iyo cayilka

Exit mobile version