Cudurka sinusitis ama san balbalka waxa keeno iyo daawada Caafimaadka - Health By Maxamed On Nov 29, 2021 563 0 Su’aasha: Waan idin salaamey mudanayaasha Website ka masuulka ka ah. Waxaa igu dhacay cudur oo xaga sanka gudihiisa ah ayuu igaga dhacay, Sidaan filaayana waa cudurka Sinusitis ka, Hadaba wll cudurkaas ayaan rabay in faahfaahin buuxda leyga siiyo, soo dhowaada. Cudurka sinusitis ama san balbalka waxa keeno iyo daawada Jawaabta: Cudurka loo yaqaano afka ingiriiska sinusitis carabigana التهاب الجيوب الأنفية waa cudur sanqada (sanka gudihiisa) balbaliyo, , wuxuuna ka dhashaa waskhda jawiga iyo boorka iyo tabardarida difaaca jirka, waxaa laga yaabaa daawooyinka qaar inay sabab u noqdaan, cudurka sanboorka ayuu u dhow yahay xagga xasaasiyadda, laakin sanboor wuxuu wataa handhiso badan. Cudurkaas wuxuu leeyahay hargab daran madax xanuun sanka inuu xirmo sanka inuu kaa buuxsamo oo aad ka dareento culays. Waxaa lagaga hortagi karaa si dabiici ah qofka inuu sanka u dhigto qaaca biyaha xoogaa kulul oo kasoo baxaya weel sida jalmada oo kale ah, bukhaarka ama qaaca biyaha kulul aad buu ugu roon yahay inuu kala furfuro, sidoo kale qofka inuu ku qubaysto biyo kulul, sidoo kale inuu cabbo sanjabiil iyo waxyaalo kulkul, sidoo kale basbaaska iyo toonka iyagana way furayaan xirnaanta sanka, waxaa kaloo qofka uu adeegsan karaa biyo cusbo ku jirto oo sanka uu ku buufinayo taas sanka waxay ka ilaalinaysaa inuu qalayl ahaado. Waxaa kaloo la ogaaday saliid seytuunta haddaad ku dhibciso sankaaga maalin kaste sedex jeer wax weyn ayay u taraysaa. Taas waa qaabka dabiiciga ah oo lagu daaweyn karo cudurka sinusitis -ka . Daawooyin kimikaalna way jiraan oo farmashiyaha ayaad ka heli kartaa laakin waxaa aad u fiican qaab dabiici inaad u daaweyso. Cudurka SanboorkaCudurka SinusitisHargabka 0 563 Share