Cudurka Jariirisada ama idinyada sababaha keena iyo daawada

Cudurka Jariirisada ama idinyada sababaha keena iyo daawada

Jariirisada waxaa lagu yiraahdaa afka carbiga  الدودة الدبوسية   ama  ديدان الأقصورة  ama   الحرقوص afka ingiriiskana  waxaa loo yaqaanaa Pinworm.

Bahalkan wuxuu ka mid yahay cudurada ugu caansan dunida wuxuu ku dhacaa inta badan caruurta, waana dhici kartaa inuu ku dhaco dadka waaweyn.
Qofka marka uu hurdayo dhedigga jariirisada waxay dhalaysaa kumanaan ukun oo ku faafaya agagaarta futada, inta badan qofka ma dareemo laakin dadka qaar ayaa ka dareema dabada cuncun, cuncunka futada wuxuu astaan u yahay jariirisada mararka qaarkooda.
Sidoo kale qofka jariirisada qabo hurdo fiican ma hurdi karo.

Jariirisada iyo cuncunka dabada
Jariirisada iyo cuncunka dabada

Sidee lagu ogaanayaa qofka in jariiriso uu qabo?

Waxaa lagu gartaa jaririsada caloosha ku jiro arrimahaan midkooda.
Cuncun daran qofka ka dareemayo wareega futada, sidoo kale dumarka waxay ka dareemaan cambarka, cuncunka wuxuu soo siyaadaa habeenkii marka la gaaro.
Dahafar daran xanaaq aan sabab lahayn qofka marka uu jiifo.
Calool xanuun goosgoos ah iyo madaxwareer.

Maxaa keena cudurkan?

Waxaa keena qofka inuu ukumaha jariirisada neeftiisa kusoo jiido ama cuntada iyo cabbitaanka inay usoo galaan ama gacmaha wasakha ah oo ukuntaas lagu taabtay in wax lagu cuno iyagoon layska nadiifinin, qofka marka caloosha ay u gasho ukunta isla markii way fiiqmaysaa.

Kuwa dhediga waxay usoo gudbaan maroorka futada si ay ukumo ugu dhalaanmeesha sidaas awgeed qofka wuxuu dareemaa marka habeenka la gaaro cun cun aan loo adkaysan karin, qofka marka uu xoqo dabada ama uu fareeyo waxay soo raacaysaa ukunta ilma’aragtada ah faraha , farta marka la galiyo ukumo badan ayaa soo qabsada, waxaa la dhahaa qaadista ugu badan waxay ka timaadaa fareynta, marka meel kale uu ku toobto way qabsanaysaa sidaas ayaa laysaga qaadaa.
Ukunta waxay ku noolaan kartaa meelaha ay gaarto labo ama seddex toddobaad.

Dibaatooyin badan ayuu keeni karaa cudurkan waxaa ugu muhimsan inuu qofka caato daran ka dhigo.

Sida laysaga ilaaliyo

Nadaafadda waa muhim musqulaha waa in la nadifiyaa sidoo kale gogosha iyo dharka qofka xiranayo
Qubeyska aroortii isagana wuxuu u roon yahay ka hortagidda cudurkan, maxaayeelay goorkaanka habeenkii ayuu dhalaa ukunta marka subaxdii marka qofka is nadiifiyo wuxuu yaraynayaa tirada ukumaha jirka ku dhegi kara.
Daharka in lagu dhaqo biyo kulul si ukumaha ay u dhintaan
si daran ha u xoqin agagaarka futada ama afrta ha saarin afkeeda, fareyska wuxuu keenaa inuu faafo cudurka, sidoo kale ciddiyaha iska jar.
Gacmaha iska nadiifi mar kaste aad musqusha aaddo.

Waxaa jira daawo loogu talagalay oo disha dhamaan noocyada jariirisa sidoo kale waxay dishaa oo soo bxisaa gooryaanka.  waxaa lagu magacaabaa daawadaas Mebendazole .

Daawada jariirisada Mebendazole
Daawada jariirisada Mebendazole

waxaa lagaa rabaa daawadan marka aad adeegsanayso waa inaad u tagtaa qof dhakhtar ah si aadan qalad ugu isticmaalin.

Faahaafhin kale

Halkan ka daawo geedka sanamakiga oo caloosha nadiifiyo

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More