Cudurka Jariirisada ama idinyada sababaha keena iyo daawada
Jariirisada waxaa lagu yiraahdaa afka carbiga الدودة الدبوسية ama ديدان الأقصورة ama الحرقوص afka ingiriiskana waxaa loo yaqaanaa Pinworm.
Bahalkan wuxuu ka mid yahay cudurada ugu caansan dunida wuxuu ku dhacaa inta badan caruurta, waana dhici kartaa inuu ku dhaco dadka waaweyn.
Qofka marka uu hurdayo dhedigga jariirisada waxay dhalaysaa kumanaan ukun oo ku faafaya agagaarta futada, inta badan qofka ma dareemo laakin dadka qaar ayaa ka dareema dabada cuncun, cuncunka futada wuxuu astaan u yahay jariirisada mararka qaarkooda.
Sidoo kale qofka jariirisada qabo hurdo fiican ma hurdi karo.

Sidee lagu ogaanayaa qofka in jariiriso uu qabo?
Waxaa lagu gartaa jaririsada caloosha ku jiro arrimahaan midkooda.
Cuncun daran qofka ka dareemayo wareega futada, sidoo kale dumarka waxay ka dareemaan cambarka, cuncunka wuxuu soo siyaadaa habeenkii marka la gaaro.
Dahafar daran xanaaq aan sabab lahayn qofka marka uu jiifo.
Calool xanuun goosgoos ah iyo madaxwareer.
Maxaa keena cudurkan?
Waxaa keena qofka inuu ukumaha jariirisada neeftiisa kusoo jiido ama cuntada iyo cabbitaanka inay usoo galaan ama gacmaha wasakha ah oo ukuntaas lagu taabtay in wax lagu cuno iyagoon layska nadiifinin, qofka marka caloosha ay u gasho ukunta isla markii way fiiqmaysaa.
Kuwa dhediga waxay usoo gudbaan maroorka futada si ay ukumo ugu dhalaanmeesha sidaas awgeed qofka wuxuu dareemaa marka habeenka la gaaro cun cun aan loo adkaysan karin, qofka marka uu xoqo dabada ama uu fareeyo waxay soo raacaysaa ukunta ilma’aragtada ah faraha , farta marka la galiyo ukumo badan ayaa soo qabsada, waxaa la dhahaa qaadista ugu badan waxay ka timaadaa fareynta, marka meel kale uu ku toobto way qabsanaysaa sidaas ayaa laysaga qaadaa.
Ukunta waxay ku noolaan kartaa meelaha ay gaarto labo ama seddex toddobaad.
Dibaatooyin badan ayuu keeni karaa cudurkan waxaa ugu muhimsan inuu qofka caato daran ka dhigo.
Sida laysaga ilaaliyo
Nadaafadda waa muhim musqulaha waa in la nadifiyaa sidoo kale gogosha iyo dharka qofka xiranayo
Qubeyska aroortii isagana wuxuu u roon yahay ka hortagidda cudurkan, maxaayeelay goorkaanka habeenkii ayuu dhalaa ukunta marka subaxdii marka qofka is nadiifiyo wuxuu yaraynayaa tirada ukumaha jirka ku dhegi kara.
Daharka in lagu dhaqo biyo kulul si ukumaha ay u dhintaan
si daran ha u xoqin agagaarka futada ama afrta ha saarin afkeeda, fareyska wuxuu keenaa inuu faafo cudurka, sidoo kale ciddiyaha iska jar.
Gacmaha iska nadiifi mar kaste aad musqusha aaddo.
Waxaa jira daawo loogu talagalay oo disha dhamaan noocyada jariirisa sidoo kale waxay dishaa oo soo bxisaa gooryaanka. waxaa lagu magacaabaa daawadaas Mebendazole .

waxaa lagaa rabaa daawadan marka aad adeegsanayso waa inaad u tagtaa qof dhakhtar ah si aadan qalad ugu isticmaalin.
Halkan ka daawo geedka sanamakiga oo caloosha nadiifiyo
Pinworms are called in Arabic الدودة الدبوسية or ديدان الأقصورة or الحرقوص in English.
This parasite is one of the most common diseases in the world and affects mostly children, and it can also affect adults.
When a person sleeps, the female pinworm lays thousands of eggs that spread around the anus, most people do not feel it, but some people feel itching in the anus, itching in the anus is a symptom of pinworms sometimes.
Also, a person with pinworms cannot sleep well.
It is characterized by a pinworm in the stomach due to one of these things.
Severe itching that a person feels around the anus, women also feel itching, itching increases at night.
Severe itching without reason when the person lies down.
Intermittent stomach pain and dizziness.
What causes this disease?
It is caused by a person inhaling the eggs of the tapeworms or by eating or drinking food or by dirty hands that have touched the eggs without washing them, when the person enters the stomach, the eggs hatch as soon as they hatch.
The females pass to the anal canal to lay eggs, so the person feels unbearable itching at night, when a person scratches his anus or fingers, the eggs of the tapeworms follow the fingers, when the finger is inserted, many eggs are caught, it is said that the most transmission comes from fingering, when it touches another place, it is caught and that is how it is removed.
The eggs can live in places where they reach two or three weeks.
This disease can cause many problems, the most important of which is that it makes the person very thin.
How to prevent
Hygiene is important, the bathroom should be cleaned as well as the bed and clothes of the person wearing
A shower in the morning is also good for preventing this disease, because at this time the eggs are laid at night, so when the person cleans himself in the morning, it reduces the number of eggs that can stick to the body.
The vagina should be washed in hot water so that the eggs die
Do not rub the area around the anus or vagina vigorously, do not put it in the mouth, the vagina causes the disease to spread, also cut your nails.
Wash your hands every time you go to the bathroom.
There is a medicine that is designed to kill all types of worms and also kills and removes the worms. It is called Mebendazole.
