scw aad ban u baqaa waxaan mar kaste ka baqaa dhimashada waxan dareemaa nolosha inay ila xun tahay walwal iyo fikir iyo cabsi ayan ku jiraa maxaan sameeyaa sideen uga bixi karaa arintan
Jawaabta:
Cabsida noocan waa cabsi waswaas la socdo qofka wuxuu dareemaa dibid iyo kalinimo, waana cudur nafsi ah, cudurka baqdinta ama cabsida waxaad kaga bixi kartaa inaad ku dadaasho salaadda iyo quraanka oo aad ka dheeraato kalinimada.
Ibnu alqayim wuxuu sheegay in sakiinada السكينة (xasiloonida) lix meel ay kaga soo aroortay quraanka wuxuu sheegay Ibnu Taymiya oo sheekhiisa ahaa markuu dhib ama cabsi dareemo uu akhrisan jiray aayadahaas, wuxuu ku dhihi jiray dadka isaga qaraabadiisa akhriya aayadaahaas, kaddib wuxuu leeyahay ibnu Alqayib anaa tijaabiyay akhriska aayadahan marka aan cabsi dareemo waxaan ka helay waxtar weyn: