Site icon Daruur درور

Caanaha Xoolaha Kuwee Ugu Fiican

Su’aalaha:

Caanaha Xoolaha Kuwee Ugu Fiican Ma Kuwa Loda MA kuwa Adhiga Mise Kuwa Geela.

Caanaha Xoolaha Kuwee Ugu Fiican
Caanaha Xoolaha Kuwee Ugu Fiican

Jawaabta:

Caano kaste wax bay taraan sidaa awgeed Alle wuxuu abuuray xoolo kala duduwan, Alle (SW) markuu ka hadlayay guud ahaan ayuu u sheegay nimcada caanaha xoolaha wuxuu yiri:

(وَإِنَّ لَكُمْ فِي الْأَنْعَامِ لَعِبْرَةً ۖ نُّسْقِيكُم مِّمَّا فِي بُطُونِهِ مِن بَيْنِ فَرْثٍ وَدَمٍ لَّبَنًا خَالِصًا سَائِغًا لِّلشَّارِبِينَ)

(Waxaana idiinku sugan Xoolaha Cibrad (Waano qaadasho) waxaana idinka waraabinaa waxa ku sugan Caloosheeda Digo iyo Dhiig dhexdooda ah Caano Saafi ah oo u fudud kuwa Cabbi)

Caanaha geela faa’idooyin badan ayay leeyihiin sidoo kale kuwa lo’da iyo kuwa ariga, marka haddaad awooddo dhamaan cab,  marba mid cab mar caanaha geela dhaayda marna suusac marna caano lo’aad kuwo mac marna caano garoor, marna caano ari, waayo fa’idooyin kala duwan ayay wataan.

Exit mobile version