17 jir ayan ahay ibta naaska ayaa i dildilaacday talo isiya

Su’aasha:

scw waxan ahay gabar da’deda tahay 17 sano waxan isku arky dildilac ibta nasaha arintas maxay tahay dawo mjirta?

17 jir ayan ahay ibta naaska ayaa i dildilaacday talo isiya
17 jir ayan ahay ibta naaska ayaa i dildilaacday talo isiya

Jawaabta:

Arrinta ku haysata waxaa la dhahaa dildilaaca ibta naasaaha ingiriiska waxaa loo yaqaanaa Nipple crack carabigana waxaa la dhahaa  تشقق الحلمتين  inta badan dumarka ilmaha nuujiya ayay qabsataa arrintan waxaana u keena nuugmada.
Laakin waa laga yaabaa gabdhaha inay ku dhacdo arrintan waxaana u keena dharka ciriiriga oo ibta naaska rugaya sidoo kale isbadalada hormoonada siiba marka gabadha dhiiga caadada uu ku dhaco ama cudurka maqaarka ku dhaco nooc kaste uu yahaba wuu keeni karaa, waxaa kaloo keeni kara waxyaalaha kiimikada sida saabuunta ama cadarka ama nooc ka mid ah dharka laaniga oo si toos naasaha u gaara, jeexjeexa ibta naaska wax aad u sii daran ma aha iyagaa iska raysan doono kaliya nadaafadda ku dadaal, waxaa kaloo aad marin kartaa bomaatooyinka loogu talagalay boogta inay dhayaan.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More