asc bahda daruur idin salamay waxaan idin rajeena dhamaantiin inaad caafimaad qabtaan waxan rabaa arintaan in laiisheego,
waxaan ahay qof shaki badan waxaana isku arkay goordhaw oo aan lakulmay arin aan filaneen oo dhab noqotay kadib waxwalba waxee ila noqdaan inee halaabayan tusaale hadaan arko qof qoyskeega katirsan oo xanuunsan waxaa iisawirmaya asoo dhimanaya ama niyadeeda kama baxeyso maantoo dhan waan kawalwala alla wuu dhiman rabaa xanuunkaan kudhimana marwalba niyadaa sidaas iska dhaha ama waxaa kaloo isku arkay qof haduu hadal kaftan ahaan uu udhaho in run iila noqoto oo aan aamino welwel badan aan dareemo oo ilaa aan niyad jabo marwalbana bogga iwelwela anigoonan ogeen oo waxa xaqiiqo uaheyn ama cadeen aan uheyn ayaan sida qof xaqiiqda arkay oo kale uwelwelaa dhibkaas iheysto walalyaal.
Jawaabta:
Waswaaska ku haya waa waswaas lagu magacaabo الوسواس القهري waa mid si xoog miskaxda kaaga soo galo, waxaad kaga bixi kartaa qaababka loogu talagalay in waswaaska lagaga baxo waxaa ugu horreeya inaad Alle shaydaanka ka magangasho oo aad ku dhegto xuska Alle, waswaaska waxa keeno waa shaydaanka Alle wuxuu yiri:
(Hadduu ku Waswaasiyo Shaydaan waswaasiye ka Magangal Eebe isagaa Maqle oge ahe * Kuwa Dhawrsaday hadduu Taabto Shar Shaydaan way Xusuustaan (Waantoomaan) wayna Arkaan Xaqa (Toonsaadaan)..
Weysadaada inay badanaato oo mar kaste inaad weyso qabto, inaad quraan akhrisato mar walba, sidoo kale inaad ogaato in uu jiro qadar, geerida Alle gacantiisa ayay ku jirtaa jirro looma dhinto, teeda kale qofkii Alle geeri u qoray qof ka reebi karo ma jiro, marka niyadda dhiso, la saaxiib dadka suuban oo wanaagsan wehel ayay kuu noqonayaan.
Sidoo kale webka waxaad ka heli kartaa qoraallo badan oo ku saabsan daawada waswaaska noocyadiisa kala duwan.