Shakiga badan iyo waswaaska geerida maxaa daawo u ah

Su’aasha:

asc bahda daruur idin salamay waxaan idin rajeena dhamaantiin inaad caafimaad qabtaan waxan rabaa arintaan in laiisheego,
waxaan ahay qof shaki badan waxaana isku arkay goordhaw oo aan lakulmay arin aan filaneen oo dhab noqotay kadib waxwalba waxee ila noqdaan inee halaabayan tusaale hadaan arko qof qoyskeega katirsan oo xanuunsan waxaa iisawirmaya asoo dhimanaya ama niyadeeda kama baxeyso maantoo dhan waan kawalwala alla wuu dhiman rabaa xanuunkaan kudhimana marwalba niyadaa sidaas iska dhaha ama waxaa kaloo isku arkay qof haduu hadal kaftan ahaan uu udhaho in run iila noqoto oo aan aamino welwel badan aan dareemo oo ilaa aan niyad jabo marwalbana bogga iwelwela anigoonan ogeen oo waxa xaqiiqo uaheyn ama cadeen aan uheyn ayaan sida qof xaqiiqda arkay oo kale uwelwelaa dhibkaas iheysto walalyaal.

Shakiga badan iyo waswaaska geerida maxaa daawo u ah
Shakiga badan iyo waswaaska geerida maxaa daawo u ah

Jawaabta:

Waswaaska ku haya waa waswaas lagu magacaabo   الوسواس القهري  waa mid si xoog miskaxda kaaga soo galo, waxaad kaga bixi kartaa qaababka loogu talagalay in waswaaska lagaga baxo waxaa ugu horreeya inaad Alle  shaydaanka ka magangasho oo aad ku dhegto xuska Alle, waswaaska waxa keeno waa shaydaanka Alle wuxuu yiri:

(وَإِمَّا يَنزَغَنَّكَ مِنَ الشَّيْطَانِ نَزْغٌ فَاسْتَعِذْ بِاللَّهِ ۚ إِنَّهُ سَمِيعٌ عَلِيمٌ * إِنَّ الَّذِينَ اتَّقَوْا إِذَا مَسَّهُمْ طَائِفٌ مِّنَ الشَّيْطَانِ تَذَكَّرُوا فَإِذَا هُم مُّبْصِرُونَ)‎

(Hadduu ku Waswaasiyo Shaydaan waswaasiye ka Magangal Eebe isagaa Maqle oge ahe  * Kuwa Dhawrsaday hadduu Taabto Shar Shaydaan way Xusuustaan (Waantoomaan) wayna Arkaan Xaqa (Toonsaadaan)..

Weysadaada inay badanaato oo mar kaste inaad weyso qabto, inaad quraan akhrisato mar walba, sidoo kale inaad ogaato in uu jiro qadar, geerida Alle gacantiisa ayay ku jirtaa jirro looma dhinto, teeda kale qofkii Alle geeri u qoray qof ka reebi karo ma jiro, marka niyadda dhiso, la saaxiib dadka suuban oo wanaagsan wehel ayay kuu noqonayaan.

Sidoo kale webka waxaad ka heli kartaa qoraallo badan oo ku saabsan daawada waswaaska noocyadiisa kala duwan.

Shakiga badan iyo waswaaska geerida maxaa daawo u ah

The obsession that is holding you back is called compulsive obsession, which is a type of obsession that enters your mind by force.

You can get rid of it by following the methods designed to get rid of obsession. The first thing you should do is seek refuge in Allah from Satan and cling to the remembrance of Allah. The thing that causes obsession is Satan.
Your obsession should be frequent and you should always be careful not to lose it.

You should always read the Quran. You should also know that there is a destiny. Death is in the hands of Allah. No one dies from illness. On the other hand, no one can prevent the person for whom Allah has decreed death. When you build your mind, befriend good and virtuous people. They will be your companions.
You can also find many articles on the web about the different types of treatments for obsession.

Leave a Reply