Xarfaha ingiriiska aan lagu dhawaaqin
Afka ingiriiska waxaa ku jiro xarfo aan lagu dhawaaqin marka ay ka hor maraan ama ay ka dib maraan xarfo gaar ah, qofka raba inuu barto sida loo qoro afka ingiriiska uguna sahlan waa inuu si fiican u ogaadaa xarfaha iyo siday isu rogaan marka lagu dhawaaqayo ama la akhrinayo, saamayska ay ku saamoobaan xarfaha qaar qaarka kale.
Xarafka ( H ) laguma dhawaaqo markuu ka horreeyo xarafka ( W )
Tusaalaha waa:
what |
maxaa |
when |
goorma |
where |
halkee |
Xarafka ( W ) laguma dhawaaqo markuu ka dambeeyo xarafka ( R )
Tusaalaha waa:
wrist |
curcur |
write |
qor |
wrong |
qalad |
Xarafka ( L ) laguma dhawaaqo markuu ka dambeeyo xarafka ( K)
Tusaalaha waa:
chalk |
jeesad |
talk |
hadal |
walk |
socod |
Xarafka ( K ) laguma dhawaaqo markuu ka dambeeyo xarafka ( N)
Tusaalaha waa:
knee |
jilib |
knife |
mindi |
know |
ogaansho |