SCW dhibka i haystaa wuxu yahay xaaskayga waxay igu caysaa lacag la’aanta taso kaenta walalaheeda aya qabo rag taajiriin ah aniga iga lacag badan aniga waxan iska ahay qof caadi ah an lacag badan haysan, mar kaste sheekadas ayay igu soo qaadaa maxaan sameyaa?
Jawaabta:
Dumarka sidaas ayay u badan yihiin ragooda iyo raga kale ayay isku fiiriyaan, waxaa lagaa rabaa inaad u sheegto nolosha qof kaste inuu gaari karo oo aad usoo jeediso fikrado aad ku gaari kartaan waxaad rabtaan, adigana isku day hadal macaan inaad ku tiraahdo oo aad fahansiiso waxyaalaha aduunka inay yihiin qadar Alle nimcada Alle qofka uu rabo ayuu u siyaadiyaa, sidoo kale inaad xusuusiso nimcada aad haysataan oo caafimaadka ugu muhimsan yahay, mar kaste hadaladaas ay kuusoo qaaddo isku day inaad jawaabo fiican siiso oo ay ku qanci karto, maalin baa laga yaabaa inay dhabta fahanto.
Sidoo kale u sheeg qof ku dhashay hanti inuusan jirin qof walba Alle ayaa ugu deeqay maalka, marka idinkana maalin maalmaha ka mid ah inaad heli kartaan hanti.